Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3570 |
April 14 2014 Jamadi Al Thani 14,1435H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Xaruntii Warshadda Laydhka Oo Isu-Rogtay Xero (Concentration Camp) Lagu Xidh-xidho Ardayda Jaamacadda Hargeysa Oo Maanta Mudaharaado Balaadhan Sameeyey Adaydan Ka Gadooday Lacagta Ay Maamulka Jaamacadu Ku Kordhiyeen Ayey Ciidamada RRU-da Iyo SPU-du U Adeegsadeen Rasaas Nool
Hargeysa, April 13, 2014 (Haatuf) – Ardayda jaamacadda Hargeysa ayaa mudaharaado balaadhan oo ay maanta galinkii hore ka sameeyeen caasimadda ka dib lagu xidh-xidhay xarunta warshadda laydhka ee Hargeysa oo isku rogtay xero (Concentration Camp), kuwaas oo markii loo dhaadhiciyey saldhiga dhexe magaaladda. Ardaydan mudaharaadayaasha ah oo si arxan-daro ah ay ula dhaqmeen ciidamada RRU-da iyo SPU-da ayaa iyagu ka cabanayey lacag lagu kordhiyey Semester-rada Jaamacadda Hargeysa University, kuwaas oo dareenkooda ku muujiyey banaan-baxyo balaadhan oo gil-gilay dhamaan magaalada Hargeysa ee xarunta dalka Somaliland. Sidoo kale ardayda Jaamacada Hargeisa fasalada heerka 2-aad ee loo yaqaano Sophomores-ka, kuwaas oo saaka galinkii hore mudaharaada balaadhan ka dhigay inta u dhaxaysa wasaaradda waxbarashada iyo xarunta Jaamacadaasi, isla markaana ka gadooday lacagta Semester-kiiba lagu kordhiyey oo dhan 43 dollar, kuwaas oo markii hore bixin jiray Semester-kiiba $157.5 hadana ay Maamulka Jaamacada Hargeisa ee uu hogaamiyo Pro Gaas amarreen inay Semester kii ama afartii Bilood bixiyaan Lacag dhan $200, taas oo culays badan ku ah ardayda danyarta u badan oo iyagu marka horeba dirqi ku bixin jiray lacagtaasi. Dhinaca kale mudaharaadka ay Ardaydaasi samaysay ee ay kaga cabanayeen kordhinta lacagtaasi ayaa ku soo beegantay xili laba sano gudahooda ay markii 2-aad kordhiyeen maamulka Jaamacadaasi, taas oo wakhtigaas hore markii ay ka gadoodeen ay ardayda iyo maamulkooda soo kala dhexgashay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Mudaharaadayaasha lacagta aanay awoodin dareenkooda ku muujiyey ayaa iyagu taayiro badan ku gubay barxada ka horaysa Jaamacadooda Hargeisa University, taas oo dhalisay in ciidan xoog badan loo adeegsado isla markaanay ay RRU-da iyo SPU-du rasaas nool u adeegsadeen ardaydii, kuwaas oo wax la xidhay iyo wax ay xoog ku kala dareeriyeen ka dhigay ardaydii cabanaysay. |