Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 14 2014                                             Jamadi Al Thani 14,1435H     

 

 

 

 

Nigeria: 71 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Lala Beegsaday Istaan Basaska Laga Raaco

 

Abuja, April 14, 2014 (Haatuf) – Ugu yaraan 71 qof ayaa ku dhintay baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay istaan baabuurta Basaska laga raaco oo ku taalak badhtamaha dalka Nigeria, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Nigeria.

Waxa kale oo qarax isla maanta ka dhacay Abuja ay ku dhaawacmay dad ka badan 124 qof sida uu u sheegay  warbaahinta afhayeen u hadlay ciidamada bileyska dalkaasi oo la yidhaa Frank Mba.

“Waxaanu ilaa iyo hadda la tacaalaynaa daawaynta dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi, macluumaadkana waanu ururinaynaa," sidaasi waxa yidhi Ishaya Isah Chonoko, oo deegaanka uu qaraxu ka dhacay u qaabilsan gargaarka degdega ah (National Emergency Management Agency in Abuja).

Wararka ku saabsan qaraxa oo dhacay 6:45 a.m., ayaan ilaa iyo hada suurtagal ahayn in si dhab ah loo ogaado khasaaraha ka dhashay.

Hase yeeshee Madaxweynaha dalka Nigeria Goodluck Jonathan ayaa booqday goobtii ay qaraxyadu ka dhaceen. Ilaa iyo hada mana jirto cid eeda weeraradaasi dusha loo saaray ama sheegatay.

Balse waxa looga shakisan yahay inay qaraxyadan geysteen Islaamiyiinta xagjirka ah ee Boko Haram.

.