Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 15 2014                                             Jamadi Al Thani 15,1435H     

 

 

 

 

Jaaliyadda Somaliland Ee Sheffield Oo Been Abuur Ku Tilmaamtay $20,000 Ee Uu Wasiirka Macdantu Sheegay Inuu Gaadhsiiyey

Dhawaaqa Reer Sheffield Ayaa U Markhaati-Furay Wargeyska Haatuf Oo Hore U Baahiyey Lacagtaas Uu Jaxaastay Wasiirka Macdantu

Hargeysa, April 14, 2014 (Haatuf) – Jaaliyada reeer Somaliland ee magaaladda Sheffeild ee dalka UK ayaa mar kale cod-dheer ku shaacisay inaanu haba-yaraatee wax lacag ah soo gaadhsiinin wasiirka macdanta xukuumadda Siilaanyo Mr Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun), waxaanay been abuur  cad ku tilmaameen hadalkii dhawaan ka soo yeedhay wasiirkaasi ee uu ku sheegay inuu gaadhsiiyey lacagtaasi  oo loogu dhiibay si loogu bixiyo kharashaadkii ku baxay xafladii loogu dabaal-degayey aqoonsigii uu golaha deegaanka Sheffeild u fidiyey dhawaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Jaaliyada Sheffield  ayaa ku dooday in xaqiiqada lacagtaasi 20-ka kun ee doolar ah inuu Wargeyska Haatuf sidii xaqiiqada ahayd uu u baahiyey, waxaanay madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay inuu talaabo ka qaado wasiirka macdanta iyo tamarta Xuseen Waji-xun oo uu ku eedeeyey inuu warbaahinta la soo horfadhiistay been cadaan ah, ayaa ugu horayn iyaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa ay yidhaahdeen “Shaqsiyan waxaan ka mid ahaa ragii aadka uga soo shaqeeyey in golaha deegaanka magaaladda Sheffield ay aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanan ahaa xubnihii hormoodka ka ahaa dhacdadaaas mihiimka ah.  Arrintaasina may ahayn arrin maalin kaliya ku dhamaatay ee wakhti dheer ayaanu qadiyadaasi halgan ugu jirnay oo madaxbadan ayaanu arrintan kala shaqaynay oo qaarkood aanu Somaliland gaynay si ay u soo arkaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dalka, markaa aakhirkii waxaanu ku guulaysanay in xisbigayga muxaafidka ahi uu nala qaato arrintaasi ka dib aanu xisbiyada kale u gudbino taas oo markii danbe ay dhamaantood wada taageereen”.  Waxaanay intaasi ku dareen jaaliyada Somaliland ee Sheffield “Waxaanu bulshadda Somaliland ee horumarka dalka jecel u sheegaynaa inaanay waxba ka jirin oo haba-yaraatee aanu wasiirka macdanta iyo tamarta xukuumadda Somaliland aanu na soo gaadhsiinin lacagta 20,000 ee dollar ah ee uu ku sheegay shirkiisii jaraa’id ee u danbeeyey, run ahaantiina waxaanu halkan ka cadaynaynaa in xaqiiqada arintaasi tahay sida uu wargeyska Haatuf ee albaabada loo laabay uu u baahiyey warkaasi, wargeyskuna run ayuu ka sheegay xogahaasi, waxaananu madaxwaynaha u soo jeedinaynaa inuu wax ka qabto wasiirkiisa macdanta”.

 

Halkan ka daawo hadalka jaaliyada Sheffield http://qarannews.com/?p=42667

Source: Qarannews.