Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 15 2014                                             Jamadi Al Thani 15,1435H     

 

 

 

 

Qaybo Ka Mid Ah Madaxtooyadda Somaliland Oo Loo Rarayo Magaaladda Burco

Maxamed Muuse Abees Oo Burco U Jooga Indho-Indhaynta Goobta Ku Haboon In Laga Dhigo Xarunta Madaxtooyada

Hargeysa, April 15, 2014 (Haatuf) - Siday sheegeen ilo ku dhawdhaw xukuumadda madaxwayne Siilaanyo, waxa la filayaa in dhawrka todobaad ee fooda inagu soo haya loo raro magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer qaar ka mid ah xafiisyada madaxtooyadda Somaliland oo uu ka mid yahay xafiiska madaxwayne Axmed Siilaanyo laftiisa, iyada oo xarunta madaxtooyadda ee Hargeysa ay ku hadhi doonaan dhawr xafiis oo uu ka mid yahay ka wasiirka madaxtooyada Mr Xirsi.Waxaana la sheegay in hawshan loo xil-saaray Wasiirul-dawlaha arrimaha madaxtooyada Somaliland Maxamed Muuse Abees oo haatan ku sugan magaaladda Burco si uu usoo indho-indheeyo goob ku haboon in laga dhigo xarunta madaxtooyadda.