Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 15 2014                                             Jamadi Al Thani 15,1435H     

 

 

 

 

Ciidamada Qaranka Ee Ku Sugan Taleex Oo Iska Caabiyey Weerar Ay Maleeshiyada Khaatumo Seeg Ku Soo Qaaday Iyo Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Oo Ka Hadlay

 

Taleex, April 15, 2014 (Haatuf) – Ciidamada Qaranka ee ku sugan Taleex ayaa iska caabiyey weerar ay ku soo qaadeen maleeshiyada kooxda Khaatumo Seeg.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaankaasi ayaa tilmaamay inuu dagaalkani bilaabmay abaaro 1:30 ee maanta.

Ciidamada qaranka Somaliland ayaa saaka ku waa bariistay Taleex waxaanay sidoo kale gaadheen ilaa iyo tuulada Higlada ee 5km u jirta Tukaraq oo ku taala xadka Somaliland iyo Somalia u dhexeeya.

Waxaanay wararku intaa ku darayaan in maleeshiyadii Khatumo Seeg ee weerarka ku soo qaaday ciidamada qaranka ee ku sugan Taleex ay jabeen oo ay ciidanka qaranku caydhsadeen firdhadkoodii.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo isagu ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegay in ciidanka Qaranka Somaliland si nabad ah ay ku tageen Xarunta degmadda Taleex waxaanu intaa ku daray inay horeba u joogeen qaybo ka mid ah ciidanka Qaranka.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland waxaa kaloo uu itaa ku daray inay soo dhaweynayaan cid kasta oo nabad doonaysa isla markaana dariiqa wadahadalka iyo nabaddu u furan yahay ciddii wax tabanaysa una diyaar yihiin inay ka bogsiiyaan soona dhaweynayaan kooxda la baxday Khaatumo nabadna ugu baaqayaan.

Waxaanu sidaa ku sheegay Wasiirku mar uu u waramayey warbaahinta gudaha ee Somaliland, waxaanu yidhi “Horta Ciidanka Qaranku may qabsan ee dhulkoodii degmo ka mid ah ayay tageen, ciidan hore u joogayna wuu jiray, oo ciidanku maaha kan dirayska iyo derajada sita oo kaliya laakiin wuu nocyo badan yahay markaa ciidanka Qaranku hadba halka looga baahdo ayay tegayaan markay hawl galkooda waajib soo dhammaystaanna meel kale ayay tegi karaan, laakiin maaha inay halkaa iska degaan oo daaro ka dhistaan shaqada Ciidanku.”

Ayuu yidhi Wasiir Cadami waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabayay tallaabada tan xigta ee ay Xukuumad ahaan qaadayaan.

“Taleex waa degmo ka tirsan Somaliland tallaabada la qaadayaana waa mid ka mid ah tallaabooyinka  horumarineed ee dalka intiisa kaleba ka socda, imikana dadkii reer Taleex iyo ciidankii oo wada jira oo gacmaha is haysta, ayaa wada jooga.”

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la weydiiyay inay diyaar u yihiin inay Xukuumad ahaan wadahadal la galaan kooxda Khaatumo ayaa ku jawaabay.

“Haa oo waa mid nagu waajib ah in aanu cid kasta oo u diyaar ah wada hadal iyo in lays turxaan bixiyo oo wax tabanaysa inaannu la hadalno oo aanu gogol soo wada fadhiisanno dadkuna waa wada Somaliland,qof kasta oo reer Somaliland ahna waxaanu diyaar u nahay inaanu wixii tabasho ah ee uu qabo inaanu ka bogsiinno.”

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha labada dhinac ee ciidamada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyada Khaatumo seeg ka soo gaadhay dagaalkaasi ku dhex maray duleedka Taleex.