Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 15 2014                                             Jamadi Al Thani 15,1435H     

 

 

 

 

Xukuumada Siilaanyo Waxay Xariifnimo Mooday Meheradda Uu Suxufigu Ka Shaqeeyo Oo La Xidho

 

By. Siciid Ibraahim Cawad

 

Xukuumada madaxweyne Siilaanyo ayaa mudo dhaweyd waxay bilawday in warbaahinta dalka ay kula-dhaqanto siyaasad cusub oo nuxurkeedu yahay in halkii ay xukuumadu ka xidhi jirtay suxufiga lagu bedelo meherada uu ka shaqeeyo oo la xidho.

Dabcan distoorka iyo xeerka ka soo farcamay ee saxaafadu waxay labaduba xaaraantimaynayaan in suxufiga lagu xidho gudashada mihnadiisa iyadoo xeerka saxaafadu si cad u qeexayo in dacwadaha ka dhanka ah warbaahinta loo adeegsan karo xeerka madaniga ah oo kaliya.

Distooriyan (Q31) waa dambi weyn in la xidho ama la xayiro hanti gaar loo leeyahay (privet property).

Markay tahay meherad warbaahineedna waaba dambi ka sii weyn oo waxa is-barkan labada dambi ee kala ah xadhigii meheradda iyo ku-xadgudubkii xoriyatul qawlka.

Xukuumada Siilaanyo markii la iska waabin waayey sharci darada ay caadaysatay inay suxufiyiinta ku xidho kuna cabudhiso ayaa waxay ku sii dhiiratay inay la timaado oo ay dabbaqdo siyaasaddeedan cusub ee ay ku xidhayso meherad kasta oo warbaahineed oo wax aanay jeclaysan ka sheegtaba.

Bal aynu is-weydiino’eh meheradu ma dambibay gashaa ama se Xoriyatul qawlka iyo rayi-dhiibashada ruqsad ma loo qaataa?

Miyaanay meherada Haatuf iyo meheradaha kale ee dalka ka jiraa isku xuquuq ahayn, maxaa Haatufna inta dadkii lahaa laga dareeriyey qori caaradii lagula wareegay ee xukuumada Siilaanyo aanay ugu dhici karayn meheradaha ganacsi ee kale?

Odhan mayno sababtu waa qabyaalad laakiin miyaanay ahayn shirqool siyaasadaysan iyo bajin (political conspiracy and intimidation) sababta uu Siilaanyo xayiraada ugu soo rogayo hanti gaar loo leeyahay oon iyadu cidna dambi ka galin.

Xoriyatul qawlka gaar ahaan xoriyadda saxaafadda shacbigan cidi hadyad umay siinin ee way soo dhacsadeen distoorkoodana way ku xardheen inay xoriyaadkaasi yihiin lama-taabtaan oo muwaadinka raba inuu furto meheradiisa waraahineedna aanu ruqsad uga baahnayn meherada tooda u dhiganta ee la yidhaahdo Wasaarada Warfaafinta (dalalka ay ka jiraan xukuumada kalidii-talisku ayuunbaa samaysta wasaarad warfaafineed waxaanay ahayd markii dalka la xoreeyey kadib in laga tirtiro waxa la yidhaa wasaarad warfaafineed oo aan marnaba lagu soo darin dhismaha xukuumad kasta oo Somaliland ah).

Xildhibaan Cali Mareexaan, Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale iyo Mr. Baashe Cawil waxay ahayd in loo arko saddex muwaadin oo xaq u leh inay ka dacwoodaan wixii khalad ah ee ay ka tirsanayaan waxyaabaha ay Haatuf ka qortay sax iyo khalad midkay doonaanba ha ahaadaane.

Laakiin sidaas lama yeeline dawladii dadka ka dhaxaysay waxay adeegsatay garsoorkii iyo bileyskii ay ahayd inay dadka u sinaadaan waxaana sharcigii la-mari lahaa kaba soo horeeyey xukunkii iyadoon reer Haatuf la ogaysiin fursadna loo siinin inay is-difaacaan, halkaasna waxa lagu duudsiiyey xuquuqdii ay muwaadiniin ahaan lahaayeen oo waxay dawladii uga eexatay saddexda qof ee magacyadooda aanu kor ku soo sheegnay.

Miyaanay ahayn cadaalad darro tii ugu xumayd iyo xukun qarqoosh-nimo aan hore loo arag? Shaki kuma jiro in Siilaanyo uu faraha kaga guban doono siyaasadan cusub ee uu kula dagaalamayo meheradihii warbaahinta isla markaana ku xasuuqayo xoriyatal-qawlkii taas oo noqon doonta dhaxal xumadii ugu darayd ee uu ka tago.