Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 15 2014                                             Jamadi Al Thani 15,1435H     

 

 

 

 

Warshada Laydhka Hargeysa Oo Hagaastay Iyo Xukuumada Oo Tahli Kari Wayday Inay Mishiino Waaweyn Keento

Hargeysa, April 15, 2014 (Haatuf) – Wakaalada korontada caasimada Hargeysa ayaa todobaadyadii u dambeeyay adeegii Laydhka ee ay siin jirtay qayb badan oo ka mid ah Hargeysa ay cilado farsamo darteed u fadhiiisteen mishiinadii dabka laga dhalinayey, kadib markii ay mishiinadaasi muddo sannado badan shaqaynayeen. warshada Laydhka Hargeysa ayaa tan iyo muddadii saddexda sanno iyo dheeraadka ahayd ee xukuumada Kulmiye xilka haysay, waxa iska badalay saddex maareeye, taas oo aakhirkii guddi loo xilsaaray ay imtixaan ku soo xuleen maaareeyaha hada xilka Wakaalda korontada masuulka ah, isla markaana qorshuhu ahaa in mishiino cusub oo tayo leh la keeno warshada, si caasimada ay u hesho qaybnaha warshadani adeega dabka siisaa dab ku filan, balse ilaa hada mishiino cusub lama keenin warshadaasi, taas oo dadweynihii adeega dabka ay siin jirtay ka niyad jabeenj markii ay tododbaadadii u dambeeyay ay dadbkii korontada waayeen, ay keentay in macaamiishii xidhiidhkii la lahayd warshada laydhka ay xidhiidhkii u jaraan, isla markaana u wareegeen shirkadaha laydhka ee gaarka loo leeyahay inay dabkooda gashaadaan.. sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun daloola wakaalada korontada ayaa sheegay in dhawaan halkaasi la soo gaadhsiiyay laba mishiin oo yaryar oo loogu talo galay muddo kooban oo aan ka badanayn bil iyo dheeraad inay shaqeeyaan. sida ay ilo wareedyadu tibaaxayaan ayaa walaac weyn laga muujinayaa in warshadaaasi laydha caaasimadu labadaasi mishiin ee yaryar ee muddada yare e kooban loogu talo galay ay fadhistaan marka mudadaasi dhamaato iyadoon mishiino tayo leh la keenin. Sheeko xiiso leh oo dhexmartay nin odaya, Tusbaale iyo Xaar walwaal Cabdillaahi Budul sheeko xiiso leh oo dhexmartay nin odaya, tusbaale iyo xaar walwaal ayaa waxay u dhacday sidan. bari baa waxa in muddo ah meel kuwada noolaa Tusbaale iyo Xaar-walwaal oo midna geed buu ku dul noolaa oo haygiisa ahaa midna dhulka ayuu ku noolaa oo wixiisa ayuu walaaqanayay, ka dib waxa dhacday labadii baa way gaboobeen oo tusbaalihiina geedkii buu ka soo dhacay xaar walwaalkiina waxa uu tahli waayay inuu walaaqdo wixiisii. dabadeed labadiibaa geedka hoostiisii iska wada fadhiistay oo halkaasi ku wada noolaa, maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa soo ag-maray in odaya oo inta uu u soo dhawaaday ayuu ku yidhi “waar bal warama maxaad, ka dib waxa uu waydiiyay ilayn labadiiba way isku eegyihiin oo lama kala garanayo ka xaar walwaalka ah iyo ka tusbaalaha ah. ninkii waxa uu waydiiyay kiineebaa Tsuvaale ah iyo Xaar walwsaal ah, ka dib waxa hadlay Xaar Saxaro walwaalkii oo yidhi “Anigu tusbaale ayaan ahay xaaxiibkayna waa xaar walwaal” waxa uu sheegtay waxaanu ahayn. markii hadalku halkaa marayo ayaa tusbaalihii yidhi waar ninyow haddii uu saaxiibkay hadlay hadalka anigu badan maayo’e waxaad nagu kala garan doontaa mid walba far iyo suul ku qaad oo bururi dabadeedna urso, waxa kuu soo bixi doona mid walba asalka waxa uu yahay iyo halka uu ka soo jeedo’. markii uu tusbaalihii hadalka sidaa u dhigay ee ninki odayga ahaan yaab loo keenay ee hadalkii tusbaalaha uu ka sii yaabay, ayaa ilayn xaar walwaalu dhimasho u diyaar maahee inta uu ka naxay hadalkii tusbaalaha ee ahaa far iyo suul nagu qaad oo mid walba bururi oo urso, ayaa xaar walwaalkii si degdega u yidhi “waar ninyow odayga ahi aniga ayaa runtii xaar walwaal ah, kana waa tusbaale ee sidaa ula soco” waxaana ka yaabiyay xaar walwaalka hadalka tusbaalaha ee keenay in lagukala garto isaga iyo xaar walwaalka mid walba dheecaankiisa oo la urado asalkiisa ayaa soo baxaya, taas oo keentay in xaar walwaalkii damco oo ka tanaasulo aakhrkii sheegashadii uu sheegnayay waxaanu ahayn.