Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 15 2014                                             Jamadi Al Thani 15,1435H     

 

 

 

 

Wasiirka Afrika U Qaabilsan Britian Oo 10:00-kii Saaka Kasoo Dagey Madaarka Hargeysa Oo Xukuumada Siilaanyo Aanay Soo Dhaweyn

Hargeysa, April 15, 2014 (Haatuf) - Wasiirka Afrika u Qaabilsan Britian ayaa 10-kii Saaka kasoo dagey garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport, kaas oo cid dawladda ka tirsani aanay ku soo dhawaynin markii uu madaarka ka soo dagay.

Masuulkan ayaa waxa Madaarka ka soo qaaday Ilaaladiisa gaarka ah, waxaanu toos u galay madaxtooyada.

Sababta keentay  Socdaalka wasiirka ayaa ah Xayiraada xukuumada Siilaanyo saartay wargeyska Haatuf Iyo mataankiisa Somaliland Times Xili Uu wargeyska kale ee Hubaalna uu hore ugu xidhnaa sifo sharci daro ah.