Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 15 2014                                             Jamadi Al Thani 15,1435H     

 

 

 

 

Magacaabista C/fataax Siciid Iyo Baashe Cawil Oo Cadeeyey Awooda Uu Ku Leeyahay Xukunka Siilaanyo

Hargeysa, April 15, 2012 (Haatuf) - Wiilka la yidhaahdo Baashe Cawil (Xidid-ku-xoolow) ee uu sodoga u yahay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa mar kale cadeeyey awooda xad-dhaafka ah ee uu ku leeyahay xukunka Somaliland kadib markii Cabdifataax Siciid Guuleed oo habeen dhaweyd TV-yada ka caayayay wargeyska Haatuf shalay loo magacaabay la taliyaha madaxweynaha Somaliland u qaabilsan arrimaha hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba.

Cabdifataax Siciid oo Tagsiile ka ahaan jiray magaalada London ayaa wuxuu ka mid ahaa dadkii ku mamay cunista xoolaha dadweynaha xiligii xukuumadii Madaxweyne Rayaale waxaanu intii ka dambaysay markii uu xisbigii Udub saaxada ka baxay uu raajicinayey Baashe Cawil si uu uga wasteeyo in shaqo dawladeed loo magacaabo.

Jagada la-taliyaha madaxweynaha ayaa inta badan loo magacaabaa dad da’ah oo xanaanayn looga dhigo mushaharka dhawrka boqol ee dollar ee ay cashuurta dawlada ka qaataan.

Waxaase jira dad la-taliye madaxweyne ama jago dawladeed oo kale inta loo magacaabo hadana ku shaqeeya hawlo basaasnimo ah oo ay u qabtaan Baashe Cawil.  Waxaana kooxdaa ka mid ah agaasimaha Tv-ga xukuumada Khadar Cali Gaas oo isaguna Tagsiile ka ahaan jiray dalka Ingiriiska iyo waliba qaar kale oo aanu magacyadooda dib usoo sheegi doono.

Dhinaca kale C/fataax Siciid ayaa durtaba waxa uu website-yo uu xidhiidh la leeyahay gashaday wareegto uu isagu soo saaray taas oo uu ku sheeganayo in madaxweynuhu uu awood u siiyey inuu heshiisyo la gali karo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba iyo inuu qabto shaqooyin kale oo ka mid ah hawlaha ay qabtaan wasaaradaha qorshaynta iyo arimaha dibadu.