Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 15 2014                                             Jamadi Al Thani 15,1435H     

 

 

 

 

Xisbiga Kulmiye Oo Munaasibad Ku Soo Dhaweeyey Masuuliyiin UCID Ka Soo Digo Rogtay

Hargeysa, April 15, 2014 (Haatuf) - Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa Munaasibad balaadhan ku soo dhaweeyey 10 Masuul oo hore uga tirsanaan jiray Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, Munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hageysa, Waxaana ka soo qaybgalay Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Masuuliyiinta lagu soo dhaweynayey Munaasibadan iyo Dadweyne tiro badan oo ka mid ah taageerayaash Xisbigaasi.

Ugu horeyn Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye ayaa furitaankaakii Xafladaasi Hadalo soo dhawayn ah ka soo jeediyey, intaa ka dib Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa ku soo soo dhaweeyey Masuuliyiintan Xisbiga kulmiye waxaanu yidhi “saaxiibayaal si qalbi furan oo niyad sami ah ayaanu idiinku soo dhawaynaynaa inaad nagala mid noqotaan Xisbiga Kulmiye, waynu is garanaynaa Ragiina halkan fadhiya, waa ragii aynu iskaga soo horjeednay Siyaasada Asxaabta ilaa Xisbigii Udub ilaa imika oo aad Ucid ka soo wareegteen oo aad Kulmiye ku soo biirteen, Munaasibadan maanta Aaad baanu idiinku soo dhawaynaynaa.” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Dhanka kale Masuuliyiinta loo sameeyey Munaasibada Soo dhawaynta ah ayaa ka waramay U jeedada ay u soo galeen Kulmiye, Axmed Aaden Ismaaciil Keyse oo ku Hadlayey Afka Masuuliyiintaasi ayaa waxa uu yidhi “anagoo kala ah Cabdi Xakiin Garaad Maxamuud Cali Shire Gudoomiye ku xigeenkii labaad ee Xisbiga Ucid, Axmed Aden Ismaaciil keysa Xoghayihii Hore Ee Ucid, Cabdirisaaq Maxamuud Saleebaan Minkiste Xoghayihii Arimaha Gudaha Ucid, Muuse Ismaaciil Muxumed Afhayeenkii Xisbiga Ucid, Axmed Maxamed Xasan Baradho Gudoomiyihii Ucid ee Gobolka Sanaag, Cabdifataax Siciid Axmed Xoghayihii Arimaha Debada ee Ucid, Cabdilaahi Ismaaciil Cabdi, Maxamuud Axmed Hadiif, Axmed Dayr Caydiid iyo  Ibraahin Ducaale Saleebaan,  Xisbiga Kulmiye waxaanu galnay ka dib markii aanu ka baaraan Degnay fiiro iyo daymo fiicanna aanu u yeelanay Qoraaladiisa iyo Documents kiisa  iyo wax yaabo badan oo kale waxaanu aragnay in uu Xisbiga Kulmiye u baahan yahay Ciidan Nimcada Fadh Fadhida Dalkeena wixii ay riixaana la riixa wixii ay dhaqaajin waayaan la dhaqaajiya, maadaamo oo uu yahay Xisbiga Xukuumadan dhalay, wax badana Qabtay ayaa iyaduna ka mid aha wax yaabaha aanu ku dooranay, Sifiican bay kulmiye noo soo dhaweeyeene Waxaanu ka sugaynaaa Qaybtay Golaha Dhexe iyo waxa kale naga siiyaan. Ayuu yidhi Axmed Aaden Ismaaciil Keyse Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo Gaba Gabadii Halkaasi aka hadlay ayaa isaguna soo dhaweeyey Masuuliyiinta ku soo Biirtay waxaanu yidhi “Akhyaarta ku soo biirtay Maanta Xisbiga Kulmiye ee u badan Aqoonyahanka Somaliland aad iyo aad baanu idiin soo dhawaynaynaa Soo dhawaad, waxa kale oo aan u mahad naqayaa 4 Hablood oo ka yimid Laas Qoray aadbaan Halahaasina u soo dhawaynaynaa” ayuu yidhi Muuse Biixi Waxa kale oo Musaasibadaasi hadalo soo dhawayn ah ka soo jeediyey Wasiirka Wasaarada Xanaanda Xoolaha Somaliland Cabdi Aw Daahir, iyo Masuuliyiin kale.