Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3570 |
April 15 2014 Jamadi Al Thani 15,1435H | |
|
Xukuumadda Siilaanyo Oo Shirkaddaha Isgaadhsiinta Ku Amartay Inay Xayiraad Saaraan Website-Ka Haatuf Ee WWW.Haatuf.Net Talaabadan Ugubka Ku Ah Somaliland Ayaa Daboolka Ka Qaaday Cadaw-Tinimada Ay Siilaanyo Iyo Qoyskiisa U Qabaan Xoriyatul-Qawlka Hargeysa, April 16, 2014 (Haatuf) - Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa Faysal Dhago-dhago oo ah garsooraha ugu musuqa iyo laaluush qaadashada badan dalka Somaliland ayaa qoraal uu maanta u gudbiyey shirkadaha Isgaadhsiinta ee kala ah Telesom iyo African Online ku amray inay xayiraan website-yada Wargeyska Haatuf ee (www.haatuf.net) iyo jariirada la mataanaha ah ku soo baxday afka Ingiriisiga ee SomalilandTimes (www.somalilandtimes.net). Talaabadan ugubka ku ah hawlaha isgaadhsiinta iyo warbaahinta ayaa waxay ka danbeysay markii ay xukuumadda Somaliland 7-dii bishan April ay xoog ciidan kula wareegtay xaruntii wargeyska Haatuf iyo mataankiisa todobaadlaha ah ee Somaliland Times ee ku taala dhinaca galbeed ee wakaaladda biyaha Hargeysa, waxaanay hawl-wadeenada labada wargeyska intii ka danbaysay xayiraadaasi ay wararka ku shubi-jireen labada website ee ay 2-da wargeys leeyihiin, taas oo ay aad u dhibsadeen una adkaysan waayeen madaxwayne Siilaanyo, qoyskiisa iyo wiilka uu sodoga u yahay ee Baashe Cawil. Tan iyo intii ay dawladu weerarka ku qaaday xaruntii labadda wargeys waxa aad u kordhay dadka booqda labada website, kuwaas oo ka daalacan jiray xaaladihii iyo dhacdooyinkii u danbeeyey ee dalka ka jiray. Sal-babakha iyo cadhada ay ka qaadeen labada wargeys ee iyada oo ay xaruntoodii ciidan xoog kula wareegeen hadana Internet-ka laga akhrisanayey ka sokow, waxay talaabadani muujinaysaa sida ay Siilaanyo iyo qoyskiisa uga go’an tahay ee cadaw-tinimada ah inay xididada u saaraan xoriyatul-qawlkii dalka, waxaana dadkii reer Somaliland isku kaashaday kud-lad qawlaysato ah oo ka kooban saddexdii dhadhaar ee ay dawladdii turuq iyo tacabba kaga baxay. Faysal Dhago-dhago waa garsoorihii Haatuf ku xukumay Madheera bishii March ee sanadkii 2007-dii waxaanay wada shaqaystaan guddoomiyaha maxkamadda sarre ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo inaabtigii ah. |
|