Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 15 2014                                             Jamadi Al Thani 15,1435H     

 

 

 

 

Xukuumada Siilaanyo Iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta Oo Iskaashanaya Oo Galabta Xayiray Website-kii Haatuf (www.haatuf.net)

Hargeysa, April 17, 2014 (Haatuf) - Xukuumada Somaliland iyo shirkadaha isgaadhsiinta ee Somtel, Telesom iyo Africanonline oo iskaashanaya ayaa Website-kii Haatuf galabta ka xidhay dadweynihii ka booqan jiray dalka gudihiisa.

Waa markii u horaysay ee talaabo noocan ah shirkadaha isgaadhsiintu ku dhaqmaan iyagoo fulinaya amar xukuumadeed oo lagu faafreebayo warbaahinta dalka.

Xarunta Wargeyska Haatuf ayaa madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisu albaabada u laabeen todobadii bishan (7/April /2014) kadib markii ay ku qoonsadeen warar ku saabsan musuqmaasuq ka dhex dilaacay qaar ka mid ah hay’adaha dawlada siiba wasaarada Macdanta oo uu wargeysku soo daabacay todobaadyadii ina soo dhaafay.

Waxa xayiraada la saaray wargeyska iyo website-kiisa loo tirinayaa inuu abaabulkeeda door weyn ka qaatay  lahaa Baashe Cawil  (xidid- ku- xoolow) oo uu sodog u yahay madaxweynaha Somaliland ee Siilaanyo .