Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 18 2014                                             Jamadi Al Thani 18,1435H     

 

 

 

 

Wasiirka Macdanta Oo Samaystay Markhaati Beenaale Ugu Dhaarta Inuu $20,000-kii Kun Soo Gaadhsiiyey Jaaliyada Sheffield

Hargeysa, April 19, 2014 (Haatuf) - Wargeyska Haatuf ayaa wuxuu helay document uu soo macmalay wasiirka macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale (xuseen waji-xun) taas oo lagu sheegayo inuu jaaliyada Somaliland ee Sheffield soo gaadhsiiyey $20,000-kii kun ee madaxtooyada Somaliland u dirtay si loogu taakuleeyo xafladii loogu dabaal degayey aqoonsiga golaha deegaanka Sheffield u fidisay Somaliland ee lagu qabtay 2-dii April 2014.

Sida uu wargeyska Haatuf ku baahiyey cadadkiisii soo baxay 7-dii April 2014 oo ahayd maalintii albaabada loo laabay, wasiirka macdanta ayaa Jaxaastay labaatankaa kun ee dollar, waxaanay arintaasi muran ka dhex dhalisay jaaliyada Somaliland ee Sheffield oo iyagu dhabarka u ritay dhamaan kharashaadkii ku baxay xafladii loo qabtay munaasibadaasi.

Labaatankan kun ee dollar ($20,000) ayaa wuxuu qorsha madaxtooyadu ahaa in laga bixiyo kharashka safarka weftiga xukuumada uga qaybgalayay xafladii aqoonsiga baaqigana lagu kabo kharashaadkii ku baxayey munaasibadaa.

Qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha jaaliyada reer Somaliland ee Sheffield oo wax laga waydiiyey arintan ayaa sheegay in haba-yaraatee aanay lacagtaasi wax ka soo gaadhin isla markaana aanay xafladan u qaban inay cid lacag kaga helaan.

Hadaba wasiirka Macdanta Somaliland ayaa shir-jaraa’id oo uu magaalada Hargeysa ku qabtay 9-kii April 2014 waxa uu ku sheegay in kharashkii ku baxay tigidhada iyo hotelka isaga iyo wasiirka arimaha dibada mooyaane uu lacagtii loo dhiibay inteedii kale gaadhsiiyey jaaliyadaasi.

Waxaanu marag uga dhigay inuu sidaasi yeelay waaraaqda aanu halkan idiinku soo sawirnay ee sheegaysa in wasiirku lacagtii labaatanka kun ahayd siday u dhamayd uu ku wareejiyey jaaliyada taas oo ka hor’imanaysa wixii uu afka isla shirkaa jaraa’id ka sheegay oo ahaa in lacagtii loo dhiibay ay isaga iyo wasiirka arimaha dibadu ka isticmaaleen kharashkii safarkooda.