Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 20 2014                                             Jamadi Al Thani 20,1435H     

 

 

 

 

Xisaabta Lacagta Xaqul Qalinka Ee Uu Wasiirka Macdantu Soo Bandhigay Oo Is Xidhi La’

Hargeysa, April 20, 2014 (Haatuf) - Wasiirka Macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) ayaa kadib markii xukuumadu albaabada u laabtay wargeyska Haatuf waxa uu soo bandhigay xisaabta dakhligii dawlada ka soo galay lacagaha xaqul qalinka ee laga qaaday shirkadaha shidaal baadhista mudadii uu isagu xilka hayey.

Hadaba dhawr xaashiyood oo ah kuwa lacag qabashada oo uu wasiirku la maragsaday wariyeyaal ka socday telefishanka dawlada oo ka soo qaybgalay shirkiisii jaraa’id ee uu ku qabtay Hargeysa 9-kii bishan ayaa waxa ka muuqda faraq weyn oo u dhexeeya tirada lacagta ay dawladu ku yeelanayso shirkadaha ajnabiga ah ee Somaliland kula jira heshiisyada  shidaal baadhista iyo qadarka lacagta ee uu wasiirku ka soo qaaday shirikadahaas.

Tusaale ahaan sida ku cad xaashida lacag qabashada ee lamberkeedu yahay D907762 kuna taariikhaysan 30/3/2014 ee ka soo baxday xafiiska xisaabiyaha guud iyo xaashida lacag dhigashada Credit Slip ee Baanka Somaliland kuna taariikhaysan 30/3/2014 waxa lacag dhan $59,695 laga qaaday shirkada DNO ee laga leeyahay dalka Norway.

Lacagtaas waxa uu wasiirku ku tilmaamay inay tahay kirada sanadkii shirkadaasi lagaga yeelanayo dhulka ruqsada loo siiyey inay shidaalka ka baadho ee Block 18.

Hase yeeshee sida uu dhigayo xeerka nidaamiya heshiisyada Macdanta iyo Shidaalka waxa halkii Kilomiter ee laba jibaaran kiro ahaan ku waajiba boqol dollar.

Marka aynu ognahay in bedka (area) halka Block ee Somaliland uu yahay 12,544 km sq, ee aynu ku dhufano $100 halkii km sq waxa ay soo baxaysaa $1,254,400.

Markay tirada Blocks-ka shirkadaha laga kireeyey tahay 11 Block oo ay kala leeyihiin shirkadaha Genel, Ophir, Ansan iyo DNO waxay noqonaysaa kirada ku waajibaysa sanadkan oo kaliya ahi $1,254,400X11 Blcoks=$13,798,400 halka uu wasiirku sheegay in lacagta kiro ahaan looga qaaday shirkada DNO ay ahayd $59,695 taas oo macnaheedu yahay in kirada la xisaabiyey halkii km sq ay tahay $0.004.

Wasiirku isna ma cadayn mana jirto cid waydiisay sababta ay u dhacday in kiradii joogtay $100 halkii km sq uu shirkada DNO u xisaabiyey $0.004 iyo sababta uu saddexda shirkadood ee kale uu uga qaadi waayey kiradii ku waajibtay sanadkan 2014 iyadoo waliba shirkada Genel iyo Ophir aanay bixin kiradii kaga soo hagaagaysay sanadihii hore ee dhulka ay ruqsadaha u haysteen u kiraysnaa.

Dhinaca kale sida ku cad xaashida Lambarkeedu yahay B 907783 kuna taariikhaysan 30/3/2014 ee ka soo baxday xafiiska xisaabiyaha guud iyo xaashida lacag dhigashada Baanka Somaliland waxa khasnada dawlada ku soo dhacay lacag dhan $1,696,600 taas oo lagu tilmaamay inay tahay lacag xaqul-qalin ah oo laga qaaday shirkada Ansan Wikfs ee uu leeyahay ninka Yemeniga ah ee la yidhaahdo Shaaher Cabdul Xaq.

Hadaba sida la ogyahay waxa lacagta xaqul qalinka (bonus signature) qiimaheeda lagu saleeyaa kolba xajmiga shidaalka ay shirkadu filayso inuu ku jiro dhulka la siiyey, waxaana markay ugu yartahay shirkadan xaqul qalin ahaan loogu yeelanayaa $6 milyan calaa Block.

Markaynu ognahay in shirkada Ansan Wikfs la siiyey laba Block oo waafi ah iyo qayb ka mid ah Block sadexaad isma laha lacagta xaqul qalin ahaan ugu waajibaysa iyo inta uu wasiirku ka qaaday.

Hadaynu xataa usoo noqono lacagta yar ee xaqul qalinka ah ee uu sheegay inuu ka qaaday shirkada Ansan Wikfs waxa dawlada u xarooday ($1,696,600XSl.sh4000) SL.sh6,786,400,000 (Lix bilyan todoba boqol lix iyo sideetan milyan iyo afar boqol oo kun oo shilling) halkii ay dawlada uga xaroon lahayd $1,696,600XSl.sh7000=Sl.sh11,876,200,000.