Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 20 2014                                             Jamadi Al Thani 20,1435H     

 

 

 

 

Xisbiyada Mucaaridka, Madasha Wada-Tashiga, Ururada Rayidka Iyo Warbaahinta Madaxa-Banaan Oo Aas-Aasay  Xulafo U Dooda Xoriyatul-Qawlka Xukuumadu Ku Tumatay

Hargeysa, April 20, 2014 (Haatuf) – Labada xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay aas-aaska urur ay ku bahoobi-doonaan qaybaha bulshadu ka kooban tahay, axsaabta, siyaasiyiinta madasha wadatashiga, ururadda warbaahinta madaxbanaan iyo kuwa bulshadda raydika ah, kaas oo shaqadiisu noqon doonta difaacida xoriyatul-qawlka Somaliland ee ay xukuumadda taladda haysa iyo shirkadaha Isgaadhsiinta dalku ku tunteen.

Waddani, UCID iyo siyaasiyiinta madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka ayaa iyagu si isku mid ah u luuqad adag ku cambaareeyey tacadiyada ka dhanka ah warbaahinta madaxbanaan, kuwaas oo si gaar ah farta ugu fiiqay  hagar-daamooyinkii ay xukuumadu ay xukuumadda Siilaanyo albaabada ugu laabta xarumihii wargeysyada Haatuf, Somaliland iyo Hubaal, iyaga oo ficiladaasi ku tilmaamay kuwo aan loo dulqaadan-doonin isla markaana bulshadda ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan.

Saddexdan waaxyood ee miisaanka ku leh bulshadda dhexdeeda ayaa shirkaa jaraa’id ee ay kaga dhawaaqeen aas-aaska xulufadaasi u doodi doonta xoriyatul-qawlka dalka ayaa intii aanay qabsanin kulan wayn la qaatay ururada bulshadda rayidka ah iyo warbaahinta madaxbanaanba, kuwaas oo iyaguna la qaatay aas-aaska xulufadaasi  oo ay xubno ka noqon doonaan qaybaha bulshadda Somaliland ka kooban tahay. Ugu horayn waxa madashaasi ka hadashay Xoghayaha Maaliyada Ee Xisbiga Mucaaradka Ah ee UCID Marwo Faadumo Siciid , taas oo si qoto dheer uga warbixisay ujeedada ay ka leeyihiin ururkan cusub u doodi doona xoriyatul-qawlka, iyada oo arrimahaasi ka hadlaysana, waxa ka mid ahaa hadalkeedii  “Anaga oo maanta halkan ku wada joogna labadii xisbi qaran,madashii,uraradii arimaha bulshada,iyo Suxufiyiintii,waxaananu gorfaynaynay sidii loo aasaasi lahaa xulufo aanu ugu tala galnay in ay ilaaliyaan xuquuqul insaanka Somaliland Dhibaatooyinka dhacaaya ee farabadan ee aanay cidi ka hadlayn waxna aan laga qabanayn ee ay dawladu ee ay dawlada Somaliland ku talaabsatay ee sharcigana aan waafaqsanayn,dastuurka Somaliland-na aan waafaqsanayn sharciga caalamiga ahna midna aan intaba waa faqsanayn deedna sidii aynu dimuqraadiyadii aynu qaadnay aynu usoo celin lahayn hanaankeedii iyo hogaankeedii aanu dib ugu soo celin lahayn oo inaga luntay oo imika aynu garan la’anayanahay Dhinac a ay Somaliland u socoto”.

C/rashiid Maxamuud Cali oo isna ka socday Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa isna dhiniciisa soo dhaweeyey waxaana uu si kulul u cambaareeyey Xadhiga wargeyska Haatuf iyo sida oo kale Hubaal waxaana uu yidhi “Marka hore in waxaanu umada iyo shacbigaba aanu u sheegaynaa in maalin walba qodab la jabiyo waxaanan u  fadhinaa in qodobka 32-aad  .waxaanu anagu runtii aanu cod dheer ku  cambaareynaynaa xashiga,cabudhinta iyo caga juglaynta lagu ayo saxaafad ee hada ay ugu danbeeyeen labadan jaraa’id iyo websiteyadani ,waxaanu kale oo aanu cambaareynaynaa ganacsatada hoteelada leh ee iyagana la yidhaahdo ma kiraysan kartaan hoteeladiina markaa waxaanu xukuumada ugu baaqaynaa in ay ka dayso oo ay ka joojiso xadhiga iyo caga juglaynta ay ku hayso”.

Sidoo kale waxa isaguna madashaasi ka hadlay Gudoomiye Ku-Xigeenka Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Maxamed Cabdi Curad, kaas oo si wayn usoo dhaweeyey ururkaas cusub ee madasha lagu iclaamiyey kaas oo uu ku tilmaamay mid wax badan ka qaban doona tacadiyada ka dhanka ah xoriyatul-qawlka ee ay xukuumadda Siilaanyo markasta ku talaabsato.

Ugu danbayn waxa hadalka soo xidhay wasiirkii hore ee maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi  ayaa naqdiyey habdhaqanka xukuumadda Siilaanyo, taas oo uu ku tilmaamay mid u tafaxaydatay burburinta xoriyatul-qawlka Somaliland, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Caqligu wuxuu ina siinayaa Jariidadu(Jaraa’idku) ta wax tidhi maaha, iyadu waa qalab.markaa qalabkan la xidhayaa wax lagu ritay ayuunbuu ka shaqeeyaaye ma qalabkii ayaa dambi galay? Waa arimaha la yaab ka leh ee Xukumaddani ku kacdo. Labadii Jariiradood ee Haatuf iyo Hubaal ba way xidhan yihiin, waxay ku xidhan yihiin Sharci daro. Dawladani Sharci oo dhan way iska laabtay oo si aan dawladihii hore kuba shaqayn ayay ku shaqaysay. Waxaa la filayay Dawladdani sidii markii ay Ololaha ku jireen ay balanqaadeen ee wanaaga uga hadlayeen inay fuliyaan, laakin wixii oo dhan way dhaafeen”.