Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 20 2014                                             Jamadi Al Thani 20,1435H     

 

 

 

 

Cali Khaliif Oo Laga Filayey Socdaal Uu Ku Yimaado Hargeysa Oo Taleex Ka Dagay

Hargeysa, April 21, 2014 (Haatuf) - Siyaasi laga filayay inuu  soo gaadho dhawaan magaalada caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa ka degay  magaalada Taleex  oo la sheegay inuu kaga qayb galayo shirka sadexaad ee kooxda Khaatumo Seeg ee ka soo horjeeda Somaliland.

Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland kana mid ah siyaasiiinta aaminsan mabda,a Soomaaliweyn ayaa si lama filaan ah uga dagay magaalada Taleex.

Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo beryahanba la isla dhex  marayay inay wadahadalo u socdaan Xukuumada Somaliland isla markaana la filayay inuu dhawaan soo gaadho magaalada Hargeysa iyadoo la sheegay in wadahadal uu u socday Xukuumadda Somaliland.

Waxaa imika meesha ka baxday in uu jiray wax wadahadal ah oo dhex maray Somaliland iyo Siyaasiga Cali Khaliif Gallaydh isla markaana waxaa meesha ka baxday inay Xukumadda Somaliland soo xero galiso Cali Khaliif Galaydh.

Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh ayaa imika gaadhay maaalada Taleex oo  la filayo inay kooxda Khaatumo Seegv ay degmada Taleex ku qabsadaan shirkoodii sadexaad ee Khaatumo 3

Taas oo la filayo inay dhawaan ku soo dhisaan kuna soo doortaan Maamulkii sadexaad ee bedeli lahaa indha-sheel oo imika sheegta inuu yahay Madaxweynaha maamul ay ula magac baxeen Khaatumo Seeg.