Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 21 2014                                             Jamadi Al Thani 21,1435H     

 

 

 

 

Beesha Caalamka Oo Madaxweyne Siilaanyo Uga Digtay Inuu Ku Kaco Carqalado Dib U Dhigi Kara Doorashada Madaxtinimada Dalka

Nairobi, April 21, 2014 (Haatuf) – Dawladaha iyo deeq-bixiyeyaasha reer galbeedka ayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uga digay inuu ku kaco waxyaabo carqaladayn kara oo dibna u dhiga doorashada madaxtinimada Somaliland oo ku beegan inay dalka ka qabsoonto badhtamaha sanadka 2015.

Digniintan oo ay madaxweyne Siilaanyo hore ugu soo mariyeen wadiiqooyinka diblomaasiga ah (diplomatic channels) ayaa beesha caalamku kadib markay arkeen in xukuumada Somaliland aanay doorashadii wali si dhab ah ugu diyaargaroobin balse ay ku dhaqaaqeen hawlo ay suurtagal tahay inay dib u dhigaan, waxay isla qaateen in madaxweyne Siilaanyo loo diro fariin culus oo arintaas ku saabsan looguna sii dhiibo Wasiirka Britain u qaabilsan arimaha Afrika Mark Simmonds kaas oo ujeedada dhabta ah ee uu 15 April 2014 Hargeysa u yimid ahayd in uu shakhsiyan madaxweyne Siilaanyo soo gaadhsiiyo mawqifka beesha caalamka ee ku wajahan doorashada madaxtinimada dalka Somaliland.

Diyaargarow la’aanta xukuumada ee doorashada ka sokow, waxay diblomaasiyiinta reer galbeedku ka walaacsan yihiin mashruuca diiwaangalinta rayidka ee wasiirka daakhiliga Cali Warancade dusha ku sito taas oo ay u arkaan qorshe lagu carqaladaynayo diiwaangalintii codbixiyeyaasha oo ay deeqbixiyeyaashu lacagteeda mudaba diyaar la ahaayeen si aan wax hakad ahi ugu dhicin geedi-socodka doorashada madaxweynaha Somaliland.

Deeq-bixiyeyaasha ayaa la yaaban barnaamijka diiwaangalinta rayidka ee ay xukuumadu barbar wado kan codbixiyeyaasha ee ay waliba saddexda milyan ee dollar ku kharash garaynayso halkii ay dedaalka intaas leeg gelin lahayd meelo kale oo kaga haboon sida u diyaargarawga doorashada ama daboolista baahiyaha arimaha dhaqan-dhaqaale (socio-economic issues) ee laga dharagsan yahay dhibta iyo kadeedka ay ku hayaan dadweynaha.

Tan iyo intii uu madaxweyne Siilaanyo talada dalka qabtay ayaa waxa soo kordhayey isa-seega u dhexeeya isaga iyo dawladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee daneeya Somaliland iyadoo ay arintaasi sababeen xadgudubyada joogtada ah ee xukuumada Somaliland kula kacdo warbaahinta madaxabanaan ee dalka iyo qaabka uu bileysku ula dhaqmo dadweynaha hadii iyaga oo wax ka cabanaya ay si salmi ah u mudaharaadaan taas oo bileysku caadaystay inuu kala horyimaado rasaas nool oo uu ku rido dadka banaan-baxaya.

Waxa kale oo diblomaasiyiinta mandaqada ku sugani ay walwal badan ka muujiyeen musuqmaasaqa aafeeyey waxqabadkii hay’adaha dawlada iyo waliba musuqmaasuqa ku gedaaman hawlihii shidaal baadhista ee laga waday Somaliland.

Waxaana ilaha qaarkood ay sheegayaan in guddida UN Monitoring Group ay bilawday baadhitaano ay ku samaynayso arimaha shidaal baadhista iyadoo ay fartu ku godan tahay wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Baashe Cawil oo ah wiilka uu madaxweyne Siilaanyo sodoga u yahay.

Musuqmaasaqan baahsan iyo xad-gudubyadan culculus ee ka dhanka ah xuquuqda aadamaha ee seetada goostay iyo digniinihii ay beesha caalamku ka soo gudbinaysay oo u qudhquudhsami waayey xukuumada Siilaanyo daraadeed, ayaa dawladihii iyo deeqbixiyeyaashii waxay isla-meel-dhigeen oo ay labadii sanadood ee u dambeeyey ku shaqaynayeen go’aan ah in doorashadii madaxweynuhu wakhtigeedii ku qabsoonto si ay shacbiga reer Somaliland u helaan fursad ay iskaga bedeli karaan maamulka jira iyadoo marba-marka ka dambaysa ay soo ifbaxayeen calaamado muujinaya in madaxweyne Siilaanyo aanu isagu taladii dalka gacanta ku wada haynin balse ay inteedii badnayd kala wareegeen dad aan la dooran oo ay ugu horeeyaan marwadiisa Aamina-Waris iyo wiilka uu sodoga u yahay ee Baashe Cawil.