Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 23 2014                                             Jamadi Al Thani 23,1435H     

 

 

 

 

Dawlada Oo Gudoomiyaha Iyo Tifaftiraha Haatuf Ka Mamnuucday Socdaalkii Dibada

Hargeysa, April 23, 2014 (Haatuf) - Dawlada Somaliland ayaa gudoomiyaha iyo tifaftiraha Haatuf ka mamnuucday inay dalka dibada uga bixi karaan iyadoo amar qabasho ah laguna xayirayo safarkooda oo uu ku saxeexan yahay garsooraha maxkamada gobolka Axmed Dalmar Ismaaciil la dhigay madaarka Cigaal international airport ee Hargeysa.

Ilaa hada lama oga sababta xayiraada loo saaray safarka dibadeed ee gudoomiyaha iyo tifaftiraha Haatuf  hase yeeshee talaabadan waxa loo badinayaa mid ay xukuumadu kaga hortagayso cadaadis iyo dhaleecayn sii siyaada oo kaga timaada bulshada caalamka hadii ay masuuliyiinta Haatuf safar dibadeed u baxaan.

Waxa kaloo xayiraadan dhinaca socdaalka loo fasiri karaa sas iyo cadho ay xukuumadu ka qaaday wararka iyo qoraalada joogsan waayey ee ku soo baxa bogga internet-ka ee Haatuf kadib markii ay xukuumadu cir iyo dhulba ka weerartay Wargeysyada iyo shabakadaha Haatuf (HMN) iyadoo 7/4/2014 xayiraad uu ku saxeexan yahay garsoore Axmed Dalmar ku soo rogtay xaruntii Hargeysa ee soo saari jirtay wargeyska Haatuf isla markaana ay 16/4/2014 shirkadaha isgaadhsiinta usoo gudbisay qoraal uu ku saxeexan yahay garsoore Faysal Dhago-dhago oo amar ku siisay inay xayiraan website-yada Haatuf iyo lamaanihiisa Somaliland Times.

Garsoore Dalmar ayaa ilaa hada isagoon dacwad laba dhinac ah qaadin soo saaray laba xukun oo ka dhan ah Haatuf iyo Masuuliyiinteeda iyadoo uu labadii xukun ee xayiraada wargeyska iyo safarkaba gaadhay isagoo cuskanaya dalab kaga yimid dhinac kaliya oo ah kii dawlada oon u garqaadin cidii muduciga ahayd iyo cidii muduci-calayga ahayd taas oo muujinaysa heerka argagaxa leh ee uu marayo garsoorkii dalku.

Dhinaca kale xayiraada ay xukuumadu ku soo rogtay dhoofka dibadeed ee masuuliyiinta labada wargeys ayaa waxay sababtay in gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe uu ka baaqdo safaro uu dibada ku tagi lahaa si uu uga qaybgalo shirar heer gobol iyo heer caalamiba isugu jira.

Mr Gaboobe oo arintan ka hadlayaana waxa uu yidhi “Warqadan madaarka la dhigay aniga shakhsiyan dhib iguma hayso oo qolooyinkii imarti qaaday shalaybaan wada-gaadhsiiyey inaanan iman karayn, laakiin waxaan ka xumahay oo kaliya sumcad-darada kuwii hore ku biiraysa ee arintan cusubina iyana Somaliland usoo jiidayso marka maqnaanshahayga la tabo, waxaana nasiib-daro ah in xukuumadeenii mudada bisha ah ee ay dagaalka kula jirtay Haatuf kula kacdo cadaadis iyo amar-ku-taaglayn kala mid dhigta nidaamkii Faqash kuwii uu ku dhaqmi jiray taas oo ah nusqaan ina-wada saamaynaysa oo ay tahay in aanay dib u dhicin”.