Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 23 2014                                             Jamadi Al Thani 23,1435H     

 

 

 

 

Is-Casilaada Ciise Xamari Oo Lala Xidhiidhiyey Carqalado Ay Xukuumadda Siilaanyo Ku Abuurayso Geedi-Socodka Doorashada

Hargeysa, April 23, 2014 (Haatuf) – Guddoomiyihii komishanka doorashooyinka qaranka Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari), ayaa is-casilaadii uu ku dhawaaqay maanta lala xidhiidhinayaa carqalad ay xukuumadda Siilaanyo ku abuurayso geedi-socodkii doorashadda madaxtinimadda dalka ee ku beegan badhtamaha sanadka danbe ee 2015-ka.

Sida ay Haatuf ku sheegtay war ay maalintii shalay ku baahisay website-keedan waxa baryahanba soo ifbaxayey isa-seeg u dhexeeya komishanka dooroshooyinka iyo xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, kaas oo dabada ku hayey maamulka oo ka cago-jiidayey inuu ka qayb-qaato kaalintii ay dawlad ahaan ku lahaayeen hawlaha loogu diyaar-garoobayo doorashadda ay mudadda sanadka ku dhawi ka hadhsan tahay.

Xukuumadda xisbiga Kulmiye ayaa arrimaha lagu dhaliilayo inay ku carqaladaynayso inay doorashadda wakhtigeeda ku qabsoonto  waxa ka mid ah, mashruuca diwaangalinta madaniga ah ee ay barbar-wado kii diwaangalinta cod-bixiyayaasha, iyada oo dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin komishanka doorashooyinku ay qabaan inaan sanadkan gudihiisa la wada qaban-karin labada diwaangalinood oo ayna ahayd in la soo horaysiiyo diwaangalinta cod-bixiyaasha oo ah ta mihiimka ah wakhtigan, halka ta madaniga ah la fulin karo doorashadda ka dib.

Diyaar-garaw la’aanta xukuumadda ee doorashadda ayaa ah mid laga dareemi karo dhinacyada hay’adaha dawladda ee Komishanka kala shaqaynaya doorashada sida wasaaradaha daakhiliga, maaliyadda iyo cadaaladda oo iyagu dhamaantood ka cago jiidaya inay ciyaaraan doorka ay ku lahaayeen tabaabushaha doorashadda.

Hadaba is-casilaada Ciise Xamari ee wakhtigan ayaa u muuqata mid xagal-daacinaysa in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto, waxaana la sheegayaa in xukuumadda Siilaanyo damacsan tahay qorshe waddada u sii xaadhaya Komishan cusub oo u dhago-nugul.

Xoogaga mucaaridka iyo dad badan oo ka mid ah bulshadda Somaliland ayaa si adag uga soo horjeeda in doorashadu wakhtigeeda dib uga dhacdo, iyada oo aanay muuqanin ifa-faale muujinaya in xukuumada Siilaanyo ay taageero ay wax ku muquuniso kaga heli karto doorashaday dib u dhigto.

Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa talada haysa ayaa marba marka ka danbaysa waxa si wayn u sii yaraanaysa taageeradii ay ku dhex lahaayeen shacbiga reer Somaliland, taas oo mudooyinkii u danbeeyey ay beelo miisaan leh oo hore u taageeri jiray ay qaadaceen shirwaynaha 3-aad ee xisbul-xaakimka.