Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 23 2014                                             Jamadi Al Thani 23,1435H     

 

 

 

 

Xisaabihii Dawladda Somaliland Oo Haawanaya Xili Ay Wasaaradda Maaliyadu Sheeganayso Libbin

Hargeysa, April 23, 2014 (Haatuf) – Ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloola bangiga dhexe ee Somaliland ayaa Haatuf u sheegay in qaar ka mid ah xisaabihii dawladu ay haawanayaan oo 70% ilaa 80% la caseeyey.

Ilaa hadda lama garanayo sababta keentay in xisaabahaasi intoodii badayd la faaruqiyo xiligan xili wasaaradda maaliyadu ay sheegato inay dakhliyo ka badan ku tala-galkii miisaaniyada 2014-ka oo durtaba u soo xarooday.

Arrintan ayaa hadii ay sidaasi ku sii socoto waxa ay dalka ka abuuri kartaa Asmad-maaliyadeed (Financial Crisis) aad u xoogan.

Kala soco Haatuf.net faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrimahani maalmahan.