Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 24 2014                                             Jamadi Al Thani 23,1435H     

 

 

 

 

Madaxtooyadda S/Land Oo Balag U Lushay Biidhi-Qaate Saleebaan Xuquuq, Lacag Badana Ku Bixinaysa Olole Lagu Dambabasayo Musuqii Hadheeyey Xukuumada Siilaanyo Ee Haatuf Soo Bandhigay

Hargeysa, April 24, 2014 (Haatuf) – Xukuumadd Siilaanyo ayaa tan iyo markii uu Wargeyska Haatuf soo bandhigay masuq-maasuqa qayrul caadiga ah oo ay ku kacaan Shabakad isku xidhan oo isku bahaysatay lunsiga hantida ummadda oo uu hogaaminayo wiilka madaxwaynuhu sodoga u yahay ee Baashe Cawil (Xidid ku xoolow) iyo gacan yarihiisa Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) ayaa lacago ku bixiso cidkasta oo markhaati been ah u furta inay bari ka yihiin fadeexadaha musuqmaasuq ee iyaga oo ku dhex jira wargeysku wax ka soo qoray.

Shabakadan u heshiisay shilimaadka ummadda ee awooda badan ku leh xukuumadda Kulmiye ayaa markii ay u hirgashay inay sifo sharciga baalmarsan ay albaabada ugu laabaan xaruntii wargeyska Haatuf iyo mataankiisa Somaliland Times ayaa waxay bilaabeen inay cayda masuuliyiinta Haatuf usoo kiraystaan dad biidhi-qaatayaal ah kuwaas oo uu ugu dambeeyey ninka lagu magacaabo Saleebaan Xuquuq oo mudo sanado laga joogo hay’adaha ajnabiga ah kaga dawarsan jiray difaaca qadiyada xuquuqal aadamaha balse ay hay’aduhu lacagtii ay siin jireen ka joojiyeen markii ay ogaadeen inuu magaca xuquuqda aadamaha ku maxaafsado.

Saleebaan Xuquuq ku macaash ayaa ka mid ahaa ragii ay xukuumadii Daahir Rayaale u adeegsatay baabiinta shabakadii xuquuqal iinsaanka ee Shuro-Net ayaa waxay xukuumada Kulmiye markii ay talada qabatay u furtay meherad uu ka ganacsado.

Hadaba xukuumada ayaan Saleebaan Xuquuq ku dayn meheradii ay u furtaye balse waxay ku khasabtay inay u adeegsato cayda muxaaridka iyo dadka dhaliila xukuumada iyadoo dhawr bilood ka hor uu warbaahinta dawlada ka aflagaadeeyey mujaahidka weyn ee Ibraahim Dhaga-weyne.

Dhacdadaas hore iyo tan xalay ee uu telefishanka qaranka ka caayayay mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa waxa labadaba ka dambaysay madaxtooyada Somaliland oo ay weheliyaan Cabdilaahi Xasan, Khadar Cali Gaas, Cabdulwahaab Aw Cali, Cali Cumar Xasan Guuleed iyo waliba ganacsade caan ah oo degan Djibouti.

Xukuumadaha Somaliland gaar ahaan tan Kulmiye ayaa caadaysatay inay dakhliga dawlada ee laga soo ururiyo shacbigan saboolka ah u adeegsadaan hawlo siyaasadeed oo ay ceebtooda ku dambabasayaan.