Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 24 2014                                             Jamadi Al Thani 23,1435H     

 

 

 

 

Breaking news: Baashe Cawil (Morgan) iyo Wasiirka Macadanta Oo Lacag Gaadheysa 50,000$ Siiyey Gud.Maxakamada G.Maroodi Jeex iyo Xeer Ilaalinta Si Xadhig Dheer Loogu Xukumo Madaxda Haatuf


Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa warka ciwaankiisu kor ku xusan yahay oo maanta 24/4/2014 ku soo baxay website-ka somalilandcitizen.com:

Hargeysa, ( Somalilandcitizen ):- Iyadoo shabakada Somalilandcitizen ay indho dheer ku eegeysey Arrinka Wargeyska Haatuf iyo Xukuumada dhexyaala ayey shabakadani il gaara ku haysey dhaqdhaqaaqa wiilka Siilaanyo sodoga u yahay Baasha Morgan iyo Wasiirka macdanta.
Waxay shabakadu ogaatey in sadex kulan ay yeesheen Bashe Morgan,wasiirka macdanta,Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi jeex.ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha Guud ee qaranka iyo garyaqaanka guud ee dawlada wuxuuna kulankaasi ka dhacay Gurigii hore ee Siilaanyo ku jirey xiligii uu mucaaradka ahaa waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa Marwada madaxweynaha Amina Weris.
Dood dheer ka dib waxaa la isla gartay in Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf la Xidho 3Sadex Sanadood,Tafatiraha Guud ee Haatufna la xidho 5Shan Sanadood iyo 10milion oo ganaaxa waa shilinka somaliland,taasi bedelkeeda waxaa la siiyey Gudoomiyaha Maxakamada Maroodi jeex 25.000$,ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud iyo garyaqaanka dawladana waxay qaateen 25.000$.
Lacagta waxaa dhiibay Baashe Morgan wiilka Siilaanyo u sodoga yahay,masuulka warkani na siiyey ayaa ka cudur daartay in magaciisa aanu shaacino amaankiisa awgeed.


http://www.somalilandcitizen.com/2014/04/24/breakingnewsbaash-cawilmorganiyo-wasiirka-macadanta-oo-lacag-gaadheysa-50-000-siiye-gud-maxakamada-g-maroodi-jeex-iyo-xeer-ilaalinta-si-xadhig-dheer-loogu-xukumo-madaxda-haatuf/


Tafatiraha Guud
Somalilandcitizen.