Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 24 2014                                             Jamadi Al Thani 23,1435H     

 

 

 

 

Amarkii Xukuumadda iyo Shirkadaha Isgaadhiinta Oo Iskaashanayaa Albaabada ugu Laabeen Website-ka Haatuf Oo Barkuma-taal Noqday

Hargeysa, April 24, 2014 (Haatuf) - Waxa wali si caadi ah gebi ahaanba Somaliland looga Booqanayaa Shabakadii uu Wargeyska Xayiran ee Haatuf ku lahaa Barta Internet-ka oo ay dhawaan Amar ka yimi xukuumadda ku xannibeen Shirkadaha  isgaadhsiinta ee Somaliland ka hawlgalaa.

Hase ahee tallaabadaas ay shirkaduhu qaadeen markii ugu horraysay taariikhda ayaa barkuma taal noqotay, waxana gebi ahaanba ay tahli kari waayeen inay xannibaad saaraan shabakadda oo booqashadeedii halkii ka sii socoto, marka laga tago habkii tooska ahaa ee loo geli jirey oo aan Haatan suurtogal ahayn.

Shirkadaha isgaadhsiinta ayaa iyaga oo kaashanay xukuumadda isku dayey inay xannibaan Shabakadda, balse taas waxa beeniyey Technonogy-yada casriga ah oo diiday in loo hoggaansamo, iyadoo ilaa iyo intii amarku soo baxay si weyn loo Booqanayo shabakada oo ay ku qoran yihiin wararkii xukuumaddu dhibsatay oo taxane ahi.

Shabakada Haatuf ayaa haatan wixii ka dambeeya lagu Gelayaa Link ka duwan midkii hore loogu geli jirey, kaas oo ah www.bypassfw.com, iyadoo Daaqadda kuu soo baxdana aad ku qorayso Haatuf.net, intaas kadibna aad daalacan karto qoraalada kala duwan ee Shabakadda ku jira.

Xukuumadda ayaa la sheegay markii ay ogaatay in shabakaddu wali hawada ku jirto ay canaan kale kadaba tuurtay shirkadaha isgaadhsiinta ee ay markii horeba amarka siisay, waxana haatan  la filayaa in mar kale lagu noqdo Habka loo maray isku daygaas fashilmay ee Shabakadda lagu waday.

Xukuumadda iyo shirkadaha isgaadhsiinta midkoodna markii hore ma filaynin in habkani suurta geli karo, waxase Haatan muuqatay in Hanaanka casriga ah ee caalamka ka jiraa aanu ahayn mid ay gebi ahaanba maamuli karaan shirkadaha haatan dalka jooga ee isgaadhsiinta ku shaqaystaa

 

Source: http://www.qurbejoog.com/2014/04/20/amarkii-xukuumadda-iyo-shirkadaha-isgaadhiinta-oo-iskaashanayaa-albaabada-ugu-laabeen-websayt-ka-haatuf-oo-barkuma-taal-noqday/