Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 26 2014                                             Jamadi Al Thani 26,1435H     

 

 

 

 

Koox Laga Hagayo Madaxtooyada S/land Oo Uu Horboodayo Wakiilka Somaliland Ee UK Oo Ku Sii Jeeda Sheffield Si Loo Dambabaso Khilaafkii Ka Dhashay Musuqmaasuqii Wasiirka Macdanta

London, April 26, 2014 (Haatuf) – Warar laga helayo magaalooyinka London iyo Birmingham ayaa tibaaxaya in koox Kulmiyaha mayalka adag ka kooban oo u hogaaminayo wakiilka xukuumada Somaliland u jooga dalkan Ingiriiska Cali Aadan Cawaale ay hadda ku sii wajahan yihiin magaalada Sheffield ee dhacda waqooyiga cariga Ingiriiska oo ay gaadhi doonaan galinka danbe ee maantaba.

Kooxdan uu wakiilka Somaliland wato iyo qorshaha ay ku socdaan ayaa laga soo abaabulay aqalka madaxtooyada ee Somaliland looga taliyo.

Tibaaxahan ayaa intaa ku daraya in mashruucan oo kharash buuran lagu soo qaatay ay daaha dabadiisa ka hagayaan wiilka uu Madaxweyne Siilaanyo sodoga u yahay Baashe Cawil, sodohda madaxtooyada marwo Aamina Waris  iyo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta.

Duulaankan Kulmiyaysan ayaa ujeedadiisu tahay in lagu dambabaso dhacdadii foosha xumayd ee musuq maasuqa ahayd iyo qabyaalada loogu kala abtirinayay shacabka reer Somaliland ee walaalaha ah ee uu ku kacay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland mudane Xuseen Cabdi Ducaale (Waji Xun).

Waxa sidoo kale fadeexad iyo ceeb qaawan ah in Wakiilka Somaliland u jooga dalka Ingiriisku uu ka urursado magaalooyinka London iyo Birmingham kooxo Kulmiye hard-liners ah oo ku tiraabo cid baan heshiisiinayaa.

Waxaana inta badan lagu tiriyaa nin ka dhacsan waaqaca jira ama qayb ka ah fadeexadaha foosha xun ee Wasiirka iyo kooxda ay qabyaalada isku bahaysteen ku kaceen.

Magaalada Sheffield iyo Jaaliyada reer Somaliland ee halkaa degan ma jiro wax khilaaf ah oo u dhexeeya, waxaanay muujiyeen dadaal ku dayasho mudan laakiin waxaa jira shakhsiyaad qayb ka ahaa fadeexadii musuq maasuq ee Wasiirka Macdanta iyo Tamartu ku kacay. Mana aha inay hadda xukuumadan dayaysani kula soo dhex galgalato Jaaliyada sharafta iyo ammaantaba leh ee reer Sheffield”. Sidaasi waxa yidhi ila wareed

Xigasho: Qarannews