Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 26 2014                                             Jamadi Al Thani 26,1435H     

 

 

 

 

Dhalinyarada Iyo Haweenka Beesha Makaahiil (Sacad Muuse) Oo Taageeray

Go’aankii Madaxdhaqmeedka Beeshoodu Ku Qaadaceen  Shirwaynaha Kulmiye

Hargeysa, April 27, 2014 (Haatuf) - Dhalinyarada iyo haweenka beesha Makaahiil Isaaq (Sacad Muuse) ayaa daboolka ka qaaday inay taageersanyihiin  go’aankii hogaanka dhaqanka ee beeshaasi uu ku qaadacay shirweynaha xisbiga Kulmiye oo ay ku tilmaameen mid cadaalad daro ah.

Dhalinyaradan iyo haweenkan beesha ayaa sida oo kale taageeray shir odayaasha dhaqanka ee beeshaasi uu ku baaqay, waxaanay ugu baaqeen xubnaha shirkaas doonaya inay ku matalaan inay beeshu isku raacday in aanay shirkaas ka qaybgalin. Waxa ay sidan ku sheegeen dhalinyarada iyo haweenka beesha Makaahiil xaflad balaadhan oo ay warbaahinta kula hadleen oo Maanta ka dhacday Huteelka Victoria ee magaaladda Harageysa.

Cabdilaahi  Maxamed Axmed oo ugu horayntii warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay taageerada ay u muujinayaan odayaasha dhaqanka, waxaan hadaladiisa ka mid ahaa“Shirkan jaraa’id waxa uu daba sicdaa shirkii jaraa’id ee hore ay u qabteen hogaanka dhaqanka  ee beesha, ujeedadiisuna ay ahayd qaadacaada shirweynaha xisbiga Kulmiye tiradii ergooyinka laynooga qoondeeyay, hadynu  nahay dhalinyarada iyo haweenka waxaynu taageersanahay hogaanka dhaqanku go’aanka ay qaateen ee ay ku qaadaceen tirada ergooyinkaas shirka tagaysa, xisbiguna in aanu inoo qoondayn waxaynu u qalanay.

Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Laba iyo toban sanadood  ka dib in tirada ergooyinka xisbiga Kulmiye lagu qaybiyo reero oo waliba ay inagaga soo hagaagto sideed xubnood  waa waxa aynaan gayin, waxaynu leenahay waxii hore waanu ku qasaarnay, oo xukuumadda waxaanu ku qasaarnay oo xibiga waanu ku qasaarnay, inaanu masiirkayaga ka tashano ayuunbaa noo hadhay.”

Sida oo kale Faysa Maxamed ayaa iyaduna dhankeeda waxa ay halkaas ka tidhi“Anagu hadaanu nahay dhalinyarada iyo haweenka waxaanu taageersanahay go’aankii ka soo baxay suldaanka,ugaaska iyo cuqaasha beesha, waxaanu taageersanahay shirka ay baahiyeen odayaashu ee ah in beeshu ay shir isugu imanayso, shirkaas oo qabanqaabadiisii ay socoto gudo iyo dibadna laga wada soo qaybgali doono, beeshuna danteeda ayay kaga tashanaysaa iyada oo aan cidna ku xumaynayn,xubnihii Kulmiye laynaga siiyay waa kuwo aynaan u qalmayn sida ay odayaashu sheegeena waynu qaadacnay.”

Cabdilaahi Colaad ayaa isaguna ugu baaqay xubnaha doonaya inay beeshaas ku matalaan shirweynaha Kulmiye inay luminayaan kalsoonida dadkooda,“Xisbiga Kulmiye aasaaskiisii beeshan ayaa lahayd, laga bilaabo aasaaskii ilaa hada cadaalad daro badan oo ay beelaha kale ula siman tahay iyo mid iyada u sii dheer ayaa jirtay, hadii uu xisbigu sidii beeshu ay ugu listay uu ugu hanbayn waayay, waxaanu leenahay sida suldaanka iyo ugaaska beeshu ay soo jeediyeen, waxaanu xoojinaynaa in shirweynaha Kulmiye aanu qaadacnay.xubnaha ka mid ah beesha ee ilaa hada sida qarsoodida ah ugu dhex jira xisbiga Kulmiye waxaanu leenahay, beesha waad tihiin oo laydinka maydhi maayo, laakiin siyaasi waxa uu wax ku yahay dadkiisa.”

Ugu danbayntii Faysa Cali oo iyaduna halkaas ka hadashay waxa ay taageertay go’aankii hogaanka dhaqanke ee beeshaas“Waxaynu kulankan warbaahinta u qabanay in aynu qaadacsanahay shirkii Kulmiye, odayaashii beeshan aynu taageersanahay, nimanka shirkaas inagaga jiraana aanay matalin Makaahiil, shirkaas Kulmiye waa mid aynu qaadacnay cidii raacdaana inaga inagama tirsan.shirweynaha ay beeshu isugu iman doono ayaynu ku tashan doonaa kuna sheegi doonaa meesha aynu marayno, inagu waynu ka soo horjeednaashirka Kulmiye”.