Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 28 2014                                             Jamadi Al Thani 28,1435H     

 

 

 

 

Maxkamaeda Oo Caawa Idaacada Ka Sheegtay Dacwad Lagu Soo Oogay Laba Ka Mid Ah Hawlwadeenada Haatuf

Hargeysa, April 28, 2014 (Haatuf) - Maxkamada Hargeysa ayaa goor dambe oo caawa ah idaacada Radio Hargeysa ka sheegtay dacwad lagu soo oogay gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe isla markaana ah tafaftiraha guud ee wargeyska iyo Axmed Cige oo ah tifaftiraha farsamada Layout Design.

Maxkamadu waxa ay mudaysay in dhagaysiga dacwadaasi bilaabmi doonto 4/5/2014 ma jirto wax qoraal ogaysiin ah oo la soo gaadhsiiyey labada eedaysane ee magacyadoodu kor ku xusan yihiin ee maxkamadu idaacada uga yeedhay.

Maxkamadu waxa ay sheegtay in dacwadan lagu qaadi doono xeerka habka iqaabta guud ee Somalia taas oo gef ku ah xeerka saxaafada Somaliland oo isagu dhigaya in dacwadaha ka dhanka ah saxaafada loo adeegsado xeerka madaniga ah civil law.

Dambiyada lagu eedaynayo labadan suxufi ayaa waxa ka mid ah aflagaataynta madaxda sare ee qaranka (defamation).

Hase yeeshee xeerka ciqaabta Somalia (banal cord) laftiisa hadii la raaco qodobka kaliya ee aflagaadaynta loo cuskan karo ee xeerkaasi ku jira waxa uu khuseeyaa oo kaliya madaxweynaha hadii la aflagaadeeyo, madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyona sida la ogsoon yahay dhinac kama aha dacwadan.

Sidaas darteed ilaa hada lama garan karo madaxweynaha dacwadan soo oogay kuu yahay.

Musuqmaasuqa ka sokow waxa garsoorka Somaliland lagaga cawdaa aqoontooda xaga fasiraada sharciga oo liidata.

Tusaale ahaan sharciga saxaafada oo labada gole baarlamaan ansixiyeen madaxweynuhuna saxeexay dhaqan galintiisa 2004 ayaa waxa garsoorayaashii dalka ku adkaatay sidii ay xeerkaasi ugu dabaqi lahaayeen dacwadaha lagu soo oogo saxaafada, waxaanay door bidaan oo ay isku raacaan inay aqoon daradooda darteed sharciga u jabiyaan oo ay isticmaalaan xeerka ciqaabta ee xeerka saxaafada Somaliland xaaraantimeeyey in lagu xukumo warbaahinta.