Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 28 2014                                             Jamadi Al Thani 28,1435H     

 

 

 

 

Shirkad Laga Leeyahay Norway Oo Fulin Lahayd Hawlo Shidaal-Sahamin Badda Hoosteeda Ah Oo Laaluush Lagu Xidhay

Oslo, April 28, 2014 (Haatuf) - Shirkad laga leeyahay dalka Norway oo xarunteedu tahay magaaladan Oslo ayaa carqalad aanay filayn kala kulantay maamulka Somaliland kadib markii ay hawshii shirkadaasi u socotay oo ahayd inay xukuumada la gasho heshiis shidaal-sahamin badda hoosteeda ah lagu xidhay inay laaluush bixiso si ruqsada loo siiyo.

Sharikadan oo magaceeda la yidhaahdo Reservoir exploration technology (RXT) ayaa todobaad ka hor qaar ka mid ah saraakiisheeda maamulka u dirtay caasimada Somaliland ee Hargeysa si ay wasaarada macdanta ugala xaajoodaan arinta heshiis loogu ogolaanayo inay sahamiyaan dhulka badda hoosteeda sea floor seismic data) ee ku dherersan xeebta Somaliland oo dhan oo ay xog ka soo ururiyaan wixii ku jira ee shidaal iyo gas ah.

Sida laga soo xigtay ilo dhawr ah oo u dhuun daloola wasaarada macdanta, waxa masuuliyiintii shirkadaas ee Hargeysa tegay todobaad ka hor lagu xidhay inay laaluush ahaan u bixiyaan %10 lacagta ay shirkadu galinayso mashruuca sahaminta badda hoosteeda hadii kale aan ogolaansho la siin doonin.

Wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (waji-xun) ayaa waxa lagu tilmaamaa masuulkii ugu musuqmaasuqa badnaa ee taariikhda dawlada Somaliland soo mara.

Heshiisyada shidaal iyo macdan baadhista (oil and mineral exploration) iyo soo- saarka (Production) ayaa waxa shirkadaha ajnabiga ah kalidii la gala wasiirka macdanta mana jirto cid xukuumada ka tirsan oo xogogaal u ah qodobada iyo shuruudaha heshiisyadaasi ay ka kooban yihiin oon ahayn Xuseen Cabdi Ducaale oo isagu mar walba isku haleeya taageerada iyo kalsoonida buuxda ee uu ka haysto madaxtooyada dusheeda sare oo ah barta hogaamineed ee uu wiilka awooda badan ee Baashe Cawil ka hago dagaalka ay isaga iyo abtigii Waji-xun ku wadaan Haatuf si aanay wax uga sheegin xoolaha umadda ee ay ku mameen ee ay dhigteen dibadaha ay ku noqon doonaan.