Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 28 2014                                             Jamadi Al Thani 28,1435H     

 

 

 

 

Madaxtooyadda Somaliland Oo Ka Cadhootay Sawiro Iyo Halku Dhegyo Uu Ka Tagay Marxuum Cigaal Oo Loogu Diyaargaroobayo Xuska Geeridiisa Oo Lagu Sharaxay Jidadka Hargeysa

 Sawiradda Ay Qoonsatay Xukuumadda Siilaanyo Ayaa Lagu Xardhay Hadalo Taariikhda Galay Oo Uu Madaxwaynihii  Seeska U Dhigay Dawladd-Nimada S/Land Marxuum Cigaal Uu Ku Sifeynayo Kaligii-Taliyaha

Hargeysa, April 28, 2014 (Haatuf) – Sida ay sheegeen dad xogogaal ahi Madaxtooyadda Somaliland ayaa si weyn uga cadhootay sawiradii Madaxwaynihii 2-aad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo meelo kala duwan oo caasimadda ka tirsan lagu dhajiyey, kuwaas lagu xardhay halku dhegyo taariikhda galay oo hore uga soo yeedhay Madaxwaynihii seeska u dhigay Jamhuuriyadan Somaliland ee Alle ha u naxariistee marxuum Cigaal.

Sawiradan la sheegay inay Madaxtooyadu aadka uga gubatay oo ay jidadka magaaladda Hargeysa ku dhajiyeen guddida qaban-qaabada xuska sanad-guuradii 13-aad ee ka soo wareegtay geeridii marxuum Cigaal.

Qoraalka sawirada ku qoran ee ay madaxwayne Siilaanyo iyo intii la afkaarta ahiba ay qoonsadeen  ayaa hadalada qoraal ahaanta loo raaciyey waxa laga guntay sanadkii 1998-kii, kolkaas oo uu sharaxaad ka bixinayey kalidii taliyaha, qoraaladaasi lagu xardhay sawirka dhexdiisa ayaa waxay u dhignaayeen sidan:- "Ceebaan u aqaan Kaligii taliyaha, waxaan u aqaanaa nin aan isku kalsoonayn oo arrinkiisa dood ku dhamaysan Karin oo doonaya in uu Afduub ku dhamaysto”.

Dhinaca kale dhaqamadda dalka lagu arkay mudadii saddexda sano iyo badhka ah ahayd ee ay xukuumadda Siilaanyo talada dalka haysay ayaa noqonaya kuwa wiiqaya oo xagal-daacinaya jiritaanka Jamhuuriyaddan juhdiga iyo tacabka badan lagu yagleeley, isla markaana dhaqamaddan ayaa noqonaya kuwa waddada u sii xaadhaya in hogaamiye kasta oo Siilaanyo ka danbeeyaa uu ku kaco xad-gudubyo taariikhda gala, isaga oo aan shacbigiisa iyo bulshadda caalamkaba aan midna tixgalin siinaynin oo danta muwaadiniintiisana ka horaysiinaya dantiisa gaarka ah.