|
|
C/raxmaan Saylici Oo Lad-Qabo Lagu Keenay
Hoolka Uu Ka Furmay Shirwaynaha Kulmiye Iyo Ergadii Beeshiisa Oo Aan Ka
Soo Xaadirin
Hargeysa, April 28, 2014 (Haatuf) – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland
isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka 4-aad ee xisbul-xaakimka dalka
ee Kulmiye Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lad-qabo
lagu keenay xili danbe shirwaynaha xisbigaasi oo khilaaf badani
hadheeyey isla markaana shalay ka furmay huteelka Maansoor ee magaaladda
Hargeysa.
Sida ay xaqiijiyeen xogaha laga helayo xisbiga Kulmiye Madaxwayne ku
xigeenka dalka C/raxmaan Saylici ayaa isagu codsaday in dib loo dhigo
markale shirwaynaha Kulmiye, taas oo uu sabab uga dhigay saluug ay
beeshiisa gobolka Awdal ka qabtay tirada ergooyinka la siiyey, kuwaas oo
iyagu si cad u qaadacay, isla markaana diiday inay ka qayb-galaan
shirkaasi taas oo sababtay inuu go’aanka beeshiisa taabaco, balse markii
uu shirku mudo 2 saacadood ku dhaw socday ayaa ergooyin badan oo loo
diray ay ku soo khasbeen inuu ka soo xaadiro madashaasi khilaafka badani
hadheeyey.
Sidoo kale Madaxwayne Siilaanyo ayaa waji-gabax kala kulmay markii uu
hoolkii shirku ka furmayey tagay isaga oo aanu joogin ku xigeenkiisii,
taas oo keentay in markii danbe xubno u firfircoon madaxtooyadda
Somaliland in la diro, kuwaas oo dood dheer ka dib ku guulaystay inay ku
soo qanciyaan inuu madasha yimaado.
Dhinaca kale arrintan ayaa daboolka ka qaaday xajmiga khilaafka ka
dhex-taagan xisbul-xaakimka Kulmiye oo labadiisii shirwayne ee kan ka
horeeyeyba ay dhaameen sidan, balse markii uu talada qabsaday markale
bulshadda Somaliland dib ugu celiyey nidaamkii shir beeleedyada ka dibna
markii uu ergooyinkiisii xisbiga Kulmiye si foolxun u soo xulay. |