Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 29 2014                                             Jamadi Al Thani 29,1435H     

 

 

 

 

Musharaxa Madaxwaynaha UCID Oo Si Kulul U Naqdiyey

 Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye, Kana Hadlay Xadiga Dhaqaalaha Ku Baxay

 “Xisbiga Kulmiye Lacag Ka Badan $ 800,000 (Sideed Boqol Oo Kun Oo Doolar) Oo Hantiddii Ummadda Ah Ayeey Ku Burburiyeen Shirweynahooda” Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa, April 29, 2014 (Haatuf) - Musharraxa Jagada Madaxweynennimo ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa luuqad adag ku naqdiyey shirwayanaha  3-aad ee xisbul-xaakimka dalka ee Kulmiye ee magaaladda Hargeysa ka qabsoomay, kaas oo uu ku tilmaamay mid qabsoomidiisa loo adeegsaday hantida ummadda danyarta ah ee reer Somaliland.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu xussay in lacagta ku baxday qaban-qaabada iyo abaabulka shirwaynaha Kulmiye inay gaadhayso $800,000 (sideed boqol oo kun oo doollar), taas oo uu ku dooday inay ka haboonayd in wax lagaga qabto biyo la’aanta iyo baahiyaha aas-aasiga ah ee dalka ka jira oo uu tilmaamay inay tiro beeleen.

Musharaxa UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu maanta soo gaadhsiiyey Haatuf, kaas oo isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:-  “Dalku Wuu biyo laayahay, lacagtaasi waxay ku habooneyd in mashiino loogu iibiyo cusbitaaladda dalka ama laguba daro waddada Ceerigaabo ee qaadhaanka loo waddo.

Intaanan sheegin sidaan ku keenay lacagta ku baxday shirka, waxaa isku kay qaban waayey markii horeba baaxadda shirka iyo qadarka lacagta aan xisaabiyey ee shirweynaha Kulmiye ku bixi karta. Waxaan is weydiiyey halka ay ka timid lacagta ku baxday shirweynaha 3aad ee Kulmiye. Taa Jawaabteeddii deg-deg baan ku helay oo waa hantiddii Qaranka iyo canshuurtii la wadda lahaa ee laga soo ururiyey islaanta Tamaandhadda ku iibinaysa suuqa dhexdiisa, iyo canshuurta laga qaadayo ninka danyarta ah ee u kalaha caruurtiisa. Waxaan xasuustay in xataa ardaydii la yidhi nusasaacahiina ku dara wadadda Ceerigaabo. Waxaan yiqiinsaday in falka uu ku kacay xisbigga Kulmiye ee talladda hayaa ay tahay mid ka soo hor-jeedda habraaca, iyo dhaqanka wanaagsan ee dawladnimo. Mid ah xatooyo xoollo dadweyne, mid tilmaamaya in aanay meelnaba kaga jirin sharciga iyo xisbi ahaan ay ku takri falaan xoolaha ummadda, oo ay weliba ku sii jees-jeesaan.

Beesha caalamka ee caawimadda ina siisaa waxay daawanaysaa xoolaha ummadda ee lagu burburinaayo shirkaasi. Miyeey inaga go’adaa? Ma awoodi karnaa? Ma xaqbaa? Maanta ceeb bay ku tahay Somaliland in Shirweyne xisbi xaakim oo 10 jeer sharciga xeer 14 jebiyey oo wakhtigiisii dhaafay in weliba loogu sii daro in lacag intaa le’eg lagu baabiiyo.

Kulmiye wuxuu hore u qirtay in lacag rubuc malyuun doolar ah u qoondeeyey kharashka ku baxaaya shirweynahiisa oo iyaduba qalad weyn ahayd, laakiin bal waxaan sugayey waxa shirka ka dhacaya inta uu le’eg yahay. Markuu shirku furmay ee aan arkay waxa meesha iiga soo baxay sidatan; ilaa in ka badan 2,000 (laba kun oo ergo), ergooyinkaasi kharashaadka hoos iman kara waxa ka mid ah; horta direyska calaamadda xisbigga Kulmiye ku xardhan ee leh jeeni-qaarka, koofiyadaha, boodhadhka waaweeyn ee sawiradda, kiradda hoteelka, huraddadda iyo marti gelinta ugu yaraan 2,000 oo qof, safarka ay soo galeen laba kun oo qof oo meello fog ka kala yimid oo isla dalka uun ah, cuntadda ay cunayaan, qaadka iyo casuumaddaha daba socda. Haddii aan aad u yareeyo oo idhaahdo qofkiiba $400 (afar boqol) bal ka soo qaad kharashka ku baxayaa inuu yahay hadda waa kharashka kala nooca ah ee aan kor ku sheegay. Haddaba hadaad 2,000 kun ku dhufatid $400 waxaa kuu soo baxaaya lacag ah $800,000 (sided boqol oo kun oo doolar) waana sidaan ku helay kharashka Kulmiye oo aan yareeyey. Anigu waxaan waxaan rumeysnahay inuu intaa ka badan yahay sababtoo ah kumaan darin wax badan sida sooryadda, tikidhadda dadka dibadda ka yimid iwm.

Isma laha naf hurista ummadeena Somaliland, kibirka, iyo ku takri falidda xoolaha ummadda ee xisbiga Kulmiye. Kulmiye wuxuu u haystaa in indho sarcaad ummadda lagu haysto. waxa aan cod togan ugu sheegaynaa Xisbigga Kulmiye ee talladda dalka hayaa in uu ka waantoobo buunbuuninta iyo ka-badbadinta dhacdooyinka yaryar iyo iska indhosaabka ama daahsaarka in ay ka hadasho arrimaha waaweyn ee ka midka ah waxyaalihii loo igmaday ee xilka iyo waajibaad gudashadeedu ku suntanaayeen sida biyo la’aanta dalka ka jirta, shaqo la’aanta, caafimaad la’aanta, boobka iyo dhaca, cadaalad daradda, musuqmaasuqa dul hoganaya, iyo maamul xumaanta. Sidaas awgeed, baannu muddarro u aragnaa in wax yar la koolkooliyo, wixii waynaana dhabarka loo sii jeediyo. Shirweynahii Kulmiyaa qabsoomay iyo dalkoo dhan baanu dhagaxaan soo dhignay, iyo hantiddii danyarta ayaanu ku faanaynaa laguma kasban karo quluubta ummadda. Ummadda Somaliland indhaha iyo dhegaha ha furto waxaana la soo gaadhay xilligii la soo faqi lahaa fadeexadaha tiradda beelay ee ay xukuumadan taagta darani ku dul fadhido”.