Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 29 2014                                             Jamadi Al Thani 29,1435H     

 

 

 

 

C/Raxmaan C/Qaadir Oo Xukuumadda Siilaanyo Ku Sifeeyey Cadawga

Xoriyatul-Qawlka,  Shirwaynaha 3-Aad Ee Kulmiye Ku Tilmaamay Shir-Beeleed

“Nimankan Kulmiye Xisbinimada Qalad Ayey Ka Fahmeen, Xisbiyada Waxaynu U Sameysanay, In Beelaha Aynu Kaga Baxno” Ex. Guddoomiye Ku Xigeenkii 1-Aad Ee Kulmiye C/Raxmaan C/Qaadir

Hargeysa, April 29, 2014 (Haatuf) – Guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee hore ee xisbul-xaakimka dalka Mujaahid C/raxmaan C/qaadir Farax ayaa shirwaynaha 3-aad ee xisbiga Kulmiye ku qabsaday huteelka Maansoore ee magaaladda Hargeysa ku sifeeyey shir-beeleedii wakhtiyadii hore Somaliland ka dhici jiray oo kale, kaas oo wax laga xishooda ku tilmaamay qaabka loo qabtay.

C/raxmaan C/qaadir waxa uu xussay inay hogaamiyeyaasha xisbiga Kulmiye inay xisbi-nimada khalad ka fahansan yihiin, kuwaas oo uu ku eedeeyey inaanay garanayninba ujeedada loo aas-aasay xisbiyada badan. waxaanu Mujaahid C/raxmaan sidaasi ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa, kaas oo sidoo kale Masiibo-qaran ku tilmaamay talaabada ay xukuumadda Siilaanyo albaabadda ugu laabtay Wargeys-yadda Haatuf, Somaliland Times iyo Hubaal, waxaanu xukuumadda Kulmiye ku sifeeyey cadawga xoriyatul-qawlka Somaliland. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya shirwaynaha 3-aad ee Kulmiye, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  “Aniga Xisbigeygii maaha oo wanigii ka baxay, Mana Jecli in aan Kulmiye ku tallax taggo, laakiin wixii xaqiiqo ahi isma qarin karaan, horta Kulmiye In baddan ayuu Foolanayey, waxay illa tahay mudadii shirka Kulmiye dib loo dhigay  in ay gaadheyso illaa  shan jeer, runtii haddii qolada Kulmiye Shirweynihii qabsadeen way is dhaceen ayaan odhan karaa, Laakiin anigu meeshan shir Xisbi kumaan arag,  ee shir Beeled ayaan ku arkay, ergooyinku beelay ku yimaadeen, waraaqaha beelaa lagu bixinayey, xattaa kuraasida la fadhiisanayey reer walba kuraasbuu lahaa”.

Isaga oo Hadalka Sii watan waxa uu yidhi. “Nimankan Kulmiye Xisbinimada qalad ayey ka fahmeen, xisbiyada waxaynu u sameysanay, in beelaha aynu kaga baxno, waxa madasha lagu maagi jiray, waxaad qabanaysaan shir beeled, maanta haddii uu shir beeled dalka ka dhacay, Kulmiye ayaa shirbeeled qabtay, runtii arrintaasi waa nasiib darro, anigu waxaan u malaynayaa nidaamka noocas ahi nidaam dib inoo riday in uu yahay, lakiin nasiib wanaag waxay ummadu shuqul ku leedahay ma ah, shirkan kulmiye shir ay waxa ka soo baxayaan illama eka, shir laysku dooranayo ma ah, shir ay doodi ka dhacayso ma ah, nuxurku wuxu iskugu imanayaa waa shir beeled, shirkan kulmiye waxa uu ka daran yahay kii moosko ka dhici jiray ee shuuciga ahaa, laakin anigu waanu ku faraxsanahayo in badan ayaa bulshada lagu mashquuliyey shir kulmiye shir kulmiye marka in uu mar ina dhaafo waa loo bahan yahay,laakiin  xisbiga kulmiyena goreyga aya ka hadaafay, .”ayuu yidhi cabdiraxman cabdi qaadir.