Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 30 2014                                             Jamadi Al Thani 30,1435H     

 

 

 

 

Xukuumadda Siilaanyo Oo Xidh-Xidhay Muwaadiniin

Basaskooda Ku Dhajiyey Istiikaro Ay Ku Xardhan Yihiin “Free Haatuf And Hubaal”

Hargeysa, April 30, 2014 (Haatuf) – Xukuumadda Siilaanyo ayaa qaaday talaabadii ugu danbaysay ee ay ku cabudhinayso xoriyatul-qawlka ka dib markii ay maanta sifo sharciga baalmarsan u xidh-xidhay muwaadiniin basaskooda ku dhajiyey Istiikaro ay ku xardhan yihiin Free Haatuf and Hubaal, kuwaas oo baabuurtaas iyo ragii wadayba xabsiga ay u taxaabeen ciidamo Bilays ahi.
Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ku jira muwaadin magaciisa la yidhaahdo Qorane Yuusuf Cawaale ayaa isaga iyo baskiisaba ay ku xidhan yihiin halkaasi, isla markaana aan ilaa imika si dhab ah loo garaynin cida amartay xadhiga baabuurkaas lagu xabisay Istiikarka uu ku taageerayo Xoriyatul-qawlka.
Dhinaca kale talaabadan ay maanta qaaday xukuumadda Siilaanyo ayaa noqonaysa mid muujinaysa in heerkii ugu xumaa ay la marayso Xoriyatul-qawlkii dalka, iyada oo aanay wali dalka hore uga dhicin in la isku xidh-xidho afkaartii uu muwaadiniinta u ogolaaday Distuurka Somaliland, isla markaana dhacdooyinkii Wadanka ka dhacay Saddexdii Sano iyo badhkii ay xukuumadda xisbiga Kulmiye talada dalka haysay ayaa waxa dalka ka dhacay tacadiyadii, gabood-faladii iyo xad-gudub-yadii ugu badnaa mudadii ay Somaliland jirtay.