Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 30 2014                                             Jamadi Al Thani 30,1435H     

 

 

 

 

Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Xukuumada

Ugu Baaqay In Dacwadda Haatuf Loo Raaco Xeerka Saxaafadda

Hargeysa, April 30, 2014 (Haatuf) – Xarunta Xuquual Insaanka ee Somaliland (Human Rights Center) ayaa xukuumada ugu baaqday in dacwada loo haysto Haatuf loo raaco xeerka saxaafada Somaliland ee dhaqan galka ah, waxaanay tilmaameen in xoriyada saxaafaddu ay tahay mid uu damaanad qaaday dastuurka Somaliland sida ku cad qodobka 32 (3).

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay sidaasi ku sheegtay warsaxaafadeed ay maanta Hargeysa ka soo saareen, kaas oo u dhignaa sidan:-

“Xarunta Xuquuqal insaanka: Dacwadda loo haysto Haatuf waa in loo raaco Xeerka Saxaafadda

Waxay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ka baafisay war-baahinta gudoomiyaha iyo tafatiraha wargayska xayiran ee Haatuf. Qoraalka Maxkamadda ee la baahiyay wuxuu sheegay in dacwad ciqaab ah oo ay ku eedaysan yihiin Yuusuf Cabdi Gaboobe, gudoomiyaha Haatuf, iyo Axmed Cali Cige, tafatiraha Haatuf, ay hortaal Maxkamadda. Dacwadaas oo ay ku eedaysan yihiin qodobo ka mid ah Xeerka Ciqaabta. Dacwadani waxay ka danbaysay kadib markii la xayiray wargeyska Haatuf 7th April 2014. 

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka welwelsan tahay in saxaafadda loo adeegsado Xeerka Ciqaabta iyada oo la baalmarayo Xeerka Saxaafadda, Xeer Lr. 27/2004.

 Saxaafaddu waxay leedahay xeer u gaar ah oo maamula saxaafadda. Mana aha in lagu qaado saxaafadda xeer kale iyada oo uu dhaqangal yahay xeerkii saxaafaddu. Xeerka Ciqaabta waxa la sameeyey 1962dii. Sida ku cad qodobka 130(5) ee dastuurka, Somaliland waxa lagaga dhaqmayaa xeerarkii hore ee aan ka hor imanayn xuquuqaadka iyo xoriyaadka asaasiga ah. Sidaasdarteed, maadaama oo qodobada Xeerka Ciqaabtu ay yihiin kuwo aan la jaan qaadi karin xoriyaadka aasaasiga ah, waxay tahay in loo raaco dacwadaha ka dhanka ah saxaafadda Xeerka Saxaafadda.

Xoriyadda saxaafadu waa mid dastuurku damanad qaaday sida ku cad qodobobka 32 (3) oo reebaya fal kasta oo lagu cabudhinayo saxaafadda. Xeerka Saxaafaddu waa xeer gaar ah oo ka leh mudnaan xeerka guud.

Sidaasdarteed, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somaliland:

1. In dacwadda loo haysto gudoomiyaha iyo tafatiraha wargeyska Haatuf loo raaco Xeerka Saxaafadda

2. In xayiraadda laga qaado wargeyska Haatuf

Mulaho Mohamed Ali

Af-hayeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka

 

  Contact

Human Rights Center

Hargeisa Somaliland

www.hrcsomaliland.org

Ms Mulaho Mohamed Ali

Email: mulmohamed@hotmail.com