Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 30 2014                                             Jamadi Al Thani 30,1435H     

 

 

 

 

Garsoore Faysal Dhago-dhago Oo

Sharciga Iskaga Gudbay Walaalkii Oo Tuugo Loo Haysto

Hargeysa, April 30, 2014 (Haatuf) - Gudoomiyaha maxkamada gobolka Hargeysa Faysal Dhago-dhago ayaa nin ay walaalo yihiin oo tuugo loo haysto iskaga gudbay in cadaalada la hor keeno sida lagu sheegay war uu maanta baahiyey website-ka Berberatoday.com.
Mahad Cabdillahi Dhaga-dhago (Dacar) ayaa waxay bileysku ku soo eedeeyeen inuu xaday daawadii bukaan-jiifka cusbitaalka Mandheera oo uu ka iibiyey suuqyada magaalada Abdaal kadibna uu shaqadii cusbitaalka ka hayey uu ka joojiyey Isuduwaha caafimaadka gobolka Saaxil Cabdixakiim Cabdilaahi Ducaale.
Arintan oo dhacday horaantii todobaadkan ayaa markii ciidanka bileyska degmada Mandheera ay soo dhamaystireen baadhitaankoodii ee ay isku dayeen in eedaysanihii ay u soo gudbiyaan caasimada gobolka Saaxil ee Berbera si cadaalada loo horgeeyo ayaa waxa soo faragaliyey gudoomiyaha maxkamada gobolka Hargeysa Faysal Dhago-dhago ahna eedaysanaha Walaalkii.
Faysal Dhago-dhago oo la kaashanaya madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu ku guulaystay in uu sharciga iskaga gudbo walaalkiisii lagu soo eedeeyey inuu daawo ka xaday cusbitaalkii uu ka shaqaynayey.
Sheekadan ayaa waxa ay ku dhamaatay in Mahad uu shaqadiisii uu awalba ka hayey cusbitaalka sii wato isuduwihii caafimaadka ee gobolka Saaxil-na iska casilo xilkii uu hayey.