Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 1 2014                                             Jamadi Al Thani 30,1435H     

 

 

 

 

Hulka Sare Ee Qasriga Madaxtooyada

Oo Durtaba Weerar Ku Bilaabay Maxamed Biixi Yoonis

Wargeyska Somaliland Today ee ku hadla afka hulka sare ee Madaxtooyada Somaliland ayaa cadadkiisii maanta (30/4/2014) waxa durtaba lagu soo qoray maqaal si ba’an loogu weerarayo wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Maqaalkan oo laga dhigay sidii ra’yi qof soo qoray (Cabdisalaam Dharaar Cilmi telephone Lr 063442860) laakiin se ay ka muuqato fartii Baashe Cawil iyo wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) ayaa waxa wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis lagu tilmaamay dilaal usoo shaqo tagay inuu Somaliland ka urursado lacag uu ku galo doorashada madaxtinimada dalka.
Waxa kale oo uu maqaalku Maxamed Biixi Yoonis ku eedeeyey inuu faragalin ku hayo wasaaradaha kale inkastoo aanu maqaalku magacaabin wasaaradahaas.
Weerarkan cayda iyo aflagaadada isugu jira ee uu wiilka Madaxweynuhu sodoga u yahay iyo wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) ay ku soo qaadeen wasiirka Arimaha Dibada waxa food-saare looga dhigay sidii oo laga cadhaysan yahay lagana soo horjeedo mashruuc ay yidhaahdeen waxa watay Mr Biixi oo doonayey inuu dekeda Berbera ku wareejiyo dalka Djibouti.
Eedaha kale ee maqaalkani uu dusha ka saarayo Maxamed Biixi waxa ka mid ah in mashruucan ay kula shuraako yihiin niman kale oo ay ka mid yihiin nin la yidhaahdo Axmed Maxamed Abakor oo ay ku tilmaameen inuu shariig la yahay madaxweynaha Djibouti.
Isla cadadkii maanta Arbacadii ee Somaliland Today waxa ku qornaa waraysi dheer oo uu wargeysku sheegay in idaacad afka Al-shabaab ku hadashaa ay la yeelatay wadaad reer Somaliland ah oo la yidhaahdo Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo u badnaa borobogaandhe shacbiga Somaliland lagula colaysiinayo Ethiopia.
Hadaba garanay in hulka sare ee Madaxtooyada lagaga kacsan yahay Maxamed Biixi Yoonis waxa se is-weydiin leh sababta keentay iyo cida ka dambaysa weeraradan la soo mariyey wargeyska Somaliland Today ee loola badheedhay labada dal ee aynu jaarka nahay.
Shaki kuma jiro in Baashe Cawil iyo Wasiirka Macdanta Xuseen Waji-xun ay baryahanba wasiirka Arimaha Dibada ku dhaleecaynayeen inuu faragalin ku wado wasaarada Macdanta oo uu xogta siiyo wargeyska Haatuf.
Sida todobaadkii hore lagu baahiyey website-ka Haatuf, Baashe Cawil iyo Xuseen Waji-xun waxay ilaa horaantii bishan April olole ugu jireen sidii uu wasiirka Arimaha Dibadu isaga casili lahaa jagadiisa iyagoo ka baqaya in uu Mr Biixi wax ka ogaado sirahooda sida macaamilka u dhexeeya wasiirka Macdanta iyo shirkadaha shidaal baadhista ee heshiisyada kula jira wasaaradiisa.
Wali lama garan karo sababta ay Baashe iyo Wasiirka Macdantu weerarkooda ugu ekaysiin waayeen Maxamed Biixi Yoonis ee ay aflagaadadooda ula talaabeen dhinaca Djibouti iyo Madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar Geelle.
Hase yeeshee maaha markii u horaysay ee ay iska maagaan Madaxweynaha Djibouti ama kula galgashaan arin aan isaga khusayn ama loo aanayn karinba iyadoo maqaal af-Ingiriisi ah oo uu Baashe Cawil ku soo qoray Website-ka Somalilandsun 29 March 2014 ciwaankiisuna ahaa “A Traitor Amidst Us”, uu Madaxweynaha Djibouti ku masabiday inuu yahay qofka Yuusuf Cabdi Gaboobe u iibiyey gaadhiga Hummer-ka ah ee uu ku dhex wato magaalada Hargeysa.
Sida maqaalkan maanta ee lagu caayayay Maxamed Biixi Yoonis ayaa Baashe maqaalkaa af-Ingiriisiga ahaa ku soo saxeexay magac kale oo ahaa Siciid D. Balbal oo Mombasa jooga iyadoo uu Baashe xiligaa ku sugnaa goobta dalxiiska loo tago ee Naivasha oo ku taala Nairobi duleedkeeda.
Sidoo kale ma cada sababta iyadana uu Wargeyska Somaliland Today u maagayo dawlada Ethiopia.
Hase yeeshee waxa loo badinayaa in Baashe Cawil iyo Xuseen Waji-xun ay u kaseen carqaladaynta xidhiidhka Somaliland iyo labada dal ee ay jaarka yihiin iyaga oo ku xumaynaya wasiirka Arrimaha Dibada hadaanay kaba ahayn sidii taladii Qalbooblay Somaliland dhinac walba ka soo awda sidaasay idiinku badin doontaaye.

F.G. Waxa fiiro gaar ah mudan telefoonka oo hal lambar ka dhiman yahay, Iyo magacyada Dharaar iyo Balbal ee ku kala saxeexan labada maqaal ee kor ku tilmaaman.