Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 1 2014                                             Jamadi Al Thani 30,1435H     

 

 

 

 

Madaxwayne Siilaanyo Oo Labadii Maxamed Raacay Dariiqa Kii Hore (Siyaad Bare)

Faallo: Maxamed Sagax
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xilka madaxtinimada dalkan hayay muddo ku dhaw afar sano, oo shacbiga Somaliland xiligii ay ku soo dooranayeen doorashadii madaxtooyada Somaliland ee ka dhacday 26 June 2010 ay u arkayeen in uu raacidoono hogaamintii lagu yaqaanay Aabihii Somaliland ee marxuun madaxwayne Cigaal oo ahaa Aasaasihii dhidibada u taagay Haykalka dawlidnimada Somaliland oo isagu seeska u dhigay dhaxalka ay Somaliland ay maanta haysato ee caalamkuna ku majeerto, oo lagu yaqaanay nimaan qaraabo kiil iyo Hanti gurasho dhaqan u lahaan jirin isla markaana dulqaad iyo xamil u laaha dhaliilaha habdhaqankiisa Hogaaminta mucaaridku u jeediyo, sidoo kale shacbigana bishiiba kala hadli jiray xiliyada ay dalka la soo gudboonaadaan mar xalado xasaasi ahi fagaarayasha khayriyada ama shirar jaraa’id ku qaban jiray qasriga madaxtooyada isla markaana si kalsooni leh ugu badheedhi jiray su’aalaha ay saxaafadu ku waydiiso shirarka jaraa’id ee uu qabto.
Ayaa nasiib daro madaxwayne Siilaanyo oo hab dimuqraadiya lagu soo doortay ayaa marka la eego habdhaqankiisa Hogaaminta iyo masuuliyiintisa Xukuumadu ee kale socda ayaa isagu raacay dariiqii rajiimkii dalka laga xoreeyey ee Maxamed Siyaad Barre kaas oo ka leexday dariiqii marxuum madaxwayne Cigaal taas oo loo joogo dhacdooyinka guracan ee uu mudadii madaxwayne Siilaanyo uu dalkan hogaaminayay sida xidhiidhka ah ugu dhacayay sida:
SIda Qaraabo kiilka, Eexda, Cadaalada darada, cabudhinta, iyo xadgudubyada saxaafada madax-banaan taas oo maraysaa heer wargayso madaxbanaan sida Haatuf iyo Hubaal xarumahoogii ciidamo ay la wareegaan iyada sifo sharci daro ahna loo xayiray , hawlahoodii xil gudasho laguna riday xukuno qayri sharci ah, oo xukun qarqoosh ah oo aan meelna ka waafaqsanayn dastuurka qaranka iyo shuruucda wadanka u taala.
Waxaana la marayaa heer qofkii madaxwayne Siilaanyo hogaamintiisa iyo xukumadiisa dhaliilaba weeraro qudh-gooyo iyo xadhigyo sharci daro ah lagu qaado iyada oo xaaladu taagan tahay car juuq dheh iyo halku dhagyadii ahaa xiligii raiiimkii siyaad bare” ama Afwayne raac ama Afkaaga hayso ama xadhig u diyaar garaw”
Waxa umada Somaliland amakaag iyo yaab manta ku noqday asbaaba madaxwayne Siilaanyo waxyaalihii xiliyadii uu mucaarid ahaa uu xaaraam timayn jiray uu manta u xalaalshaday sida “Xoriyatal Qawlkii, Xornimadii Saxaafada iyo cadaalad daradii uu ka qaylin jiray , iyo Hanti Boobka oo xadka ka baxay “ wax la filayayna may ahayn in madaxwayne Siilaanyo raaci doono dariiqii kaligii taliyihii siyaad Bare waase la yaqaana xukuumadaha iyo hogaamiyayaasha khaatumo xumaysanaya waxa lagu salido ee shaydaanku u qurxiyo” Qofkasta oo dhaqankii afwayne lihi waa siyaad bare,
Marna maan filayn waxyaalihii xayiraada ahaa ee uu daahir riyaale nagala xishooday wakhtigii uu suxufiyiinta Haatuf xabsiga u taxaabay in uu madaxwayne Siilaanyo inta uu ciidan soo galiyo xaruntayada wargayska Haatuf in uu yidhaahdo waa xayiray oo ma shaqayn kartaan “
Waxase layaab ah xarunta Haatuf oo mudo bil ah xayiran in la yidhaahdo 4 bisha May ayaa dacwadeedii laga furayaa maxkamada gobolka Hargaysa, maxaa dacwad la dhagaystaa meel xukun qorqoosh lagu riday , waase la garanaya in fashilaadii xukuumada Siilaanyo kaga dhacday xayiraada sharci darada ah ee Haatuf ay maxkamadaha ku maxlalayso.