Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 1 2014                                             Rajab 2,1435H     

 

 

 

 

Isbahaysiga Difaaca Xoriyaadka Distuuriga Ah Ee

 S/land Oo Garsoorka Iyo Xukuumadda Siilaanyo-ba Uga Digay In

 Dacwadda Haatuf Loo Adeegsado Xeerka Ciqaabta Guud (Penal Code)

Hargeysa, 1 May 2014 (Haatuf) – Isbahaysiga difaaca xoriyaadka distuuriga ah ee Somaliland ayaa waaxda garsoorka Somaliland iyo xukuumadda Siilaanyo-ba ugu baaqay in dacwadda ay xukuumadu ku soo oogtay wargeyska Haatuf loo raaco nidaam sharciga waafaqsan (Due Process of the Law) isla markaana loo cuskado xeerka saxaafadda Somaliland ee Xeer Lr 27/2004 ee labada golle baarlamaaan ansixiyeen madaxwaynuhuna saxeexay dhaqangalintiisa sanadkii 2004.

Xulufadda difaaca xoriyaadka Distuurka Jamhuuriyadda oo ay xubno ka yihiin ururadda Xuquuqal Insiinka, kuwa bulshadda, saxaafadda, qareenada, Labada Xisbi-Mucaarid & Madasha-Wadda Tashiga iyo waliba aqoonyahano madaxbanaan iyo xubno ka mid ah labadda golle baarlamaan ee guurtida iyo wakiiladda waxay sheegeen inay sharci-daro iyo distuur jabin noqonayso hadii ay xukuumadu dacwada madaxda Haatuf la waafajin waayo xeerka saxaafadda Somaliland.

Isbahaysiga difaaca xoriyaadka distuurka dalka oo ah xulufo qaybaha bulshadda ka kooban oo dhawaan lagaga dhawaaqay magaaladda Hargeysa ayaa waxay sheegeen inaanu distuurka dalku ogolayn in saxaafada loo adeegsado xeer guud sida xeerka habka ciqaabta (Penal Code), iyagga oo ku dooday inay arrintaasi ka hor imanayso qodobka 130-aad ee distuurka farqadiisa 5-aad oo dhigaya in shuruucdii ka horaysay dastuurka la dabaqi karo oo keliya hadii aanu ka hor imanayn xoriyaadka aasaasiga ah.

Waxaanay sidaasi ku sheegeen warsaxaafadeed ay si wada jir ah maanta uga soo saareen magaaladda Hargeysa, kaas oo isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:-  “Isba-haysiga difaaca xoriyaadka distuuriga ah ee Somaliland wuxuu waaxda garsoorka Somaliland iyo xukuumaddaba ugu baaqayaa in dacwadda ay xukuumadu ku soo oogtay wargeyska Haatuf loo raaco nidaam sharciga waafaqsan (Due Process of the Law) isla markaana loo cuskado xeerka saxaafadda Somaliland ee Xeer Lr 27/2004 ee labada golle baarlamaaan ansixiyeen madaxwaynuhuna saxeexay dhaqangalintiisa sanadkii 2004.

Isbahaysigan oo ka kooban ururadda Xuquuqal Insiinka, kuwa bulshadda, saxaafadda, qareenada, Labada Xisbi-Mucaarid & Madasha-Wadda Tashiga iyo waliba aqoonyahano madaxbanaan iyo xubno ka mid ah labadda golle baarlamaan ee guurtida iyo wakiiladda, waxaanu garsoorka iyo xukuumadda dalka u soo jeedinaynaa inay si buuxda ugu dhaqmaan distuurka JSL qodobka 32-aad farqadda 3-aad ee sheegaysa  “Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka aas-aasiga ah ee ra'yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo”.

Sida uu dhigayo qodobka distoorka ee 130-aad, farqadiisa 5-aad shuruucdii ka horaysay distuurka Somaliland sida xeerka ciqaabta ee Somalia (Penal Code) laguma dabaqi-karo arrin uu ka yaalo xeer gaar ah oo la soo saaray mudadii ka danbaysay aftidii loo qaaday Distuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaas darteed waxa waajib distoori ah in maxkamadaha dalka ay ku dhaqmaan Xeerka saxaafadda Somaliland marka ay ka garnaqayaan dacwadaha lagu soo oogo saxaafadda.

Hadaba dacwadda laga baafiyey Idaacadda dawladda ee lagu soo oogay masuuliyiinta Wargeyska Haatuf Todobaadkii hore waa in loo raaco Xeerka Saxaafadda oo ah xeer u gaar ah in lagu dabaqqo warbaahinta.

Mana banaana in saxaafadda loo adeegsado xeer guud sida xeerka habka ciqaabta (Penal Code) iyada oo la ogyahay in xeerka gaarka ahi ka mudan yahay xeerka guud, waxay sidoo kale ka hor imanaysaa qodobka 130-aad farqadiisa 5-aad ee dastuurka oo dhigaya in shuruucdii ka horaysay dastuurka la dabaqi karo oo keliya hadii aanu ka hor imanayn xoriyaadka aasaasiga ah isla markaana aanu jirin xeer gaar ah oo maamulaya arinkaas.

Sidaas darteed, waxannu si adag garsoorka, xukuumadda iyo labadda golle ee sharci-dajinta in dacwadda loo haysto madaxda Haatuf loo raaco Xeerka Saxaafadda Somaliland oo ah xeer dhaqan gal ah, balse aan lagu dabaqin xeerka habka ciqaabta guud ee Somalia (Penal Code).

Xarunta Xuquuqal Iinsaanka; Human Rights Centre (HRC)

1.       Ururka Saxaafadda Somaliland Ee Solja

2.       Ururka Suxufiyiinta Iyo Qorayaasha Madaxbanaan Ee Somaliland (SSJW)

3.       Ururka Qareenadda Somaliland

4.       Ururadda Bulshadda

5.       Xisbiga Cadaaladda Iyo Darteelka UCID

6.       Xisbiga Waddani

7.       Madasha Wada-Tashiga Iyo Toosinta Qaranka

8.       Xubno Golaha Wakiiladda Ah

9.       Xubno Golaha Guurtidda Ah

10.   Aqoonyano Madaxbanaan

11.   Madaxdhaqmaad”.

Dhinaca kale dhawaaqan ka soo yeedhay wakhtigan Isba-haysiga difaaca xoriyaadka distuuriga ah ee Somaliland ayaa waaxda garsoorka Somaliland ayaa ku soo beegmay xili ay maxkamadda gobolka Hargeysa ay 4-ta bishan May oo ku beegan maalinta Axadda ay u mudaysay  dacwada ay xukuumadu u haysato masuuliyiinta Wargeyska Haatuf, taas oo dadku aad ugu dhag-taagayaan sida ay u dhacdo.