Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 1 2014                                             Rajab 2,1435H     

 

 

 

 

Madaxweynaha Somalia Oo Sheegay Inuu Ka Dambeeyay Talaabadii Ciidamada Somaliland Kaga Baxeen Taleex, Guul Dawladiisa Usoo Hoyatayna Ku Tilmaamay

“Anigu Shakhsiyan Arintaasi Waan Galay Madaxweyne Siilaanyo Ayaan La Hadlay, dawlada Federalka Somalia way ku guulaysatay in magaalada Taleex Somaliland si nabad ah uga baxd” Xasan Sheekh Maxamuud

Hargeysa, 1 May 2014 (Haatuf) – Madaxwaynaha dawladda Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daboolka ka qaaday inuu isagu madaxwayne Siilaanyo ku qanciyey in Ciidamadda Qaranka Somaliland dib looga soo saaro magaaladda Taleex ee gobolka Sool.

Hadalkan ka soo yeedhay Madaxwaynaha Muqdisho ayaa muujiyey qodob khiyaamo qaran ah oo uu madaxwayne Siilaanyo ku kacay, taas oo dhaawac wayn soo gaadhsiiyey madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee dhiigga badani u daatay, isla markaana shaki badan ku abuurtay kalsoonida bulshadda horumarka jecel ee Somaliland.

Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud (Culusow) ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu galabta ka hadlayey shirjaraa’id oo uu ku qabtay magaaladda Muqdisho. Ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  “Aniga madaxweyne ahaan shakhsiyan arintaasi waan galay Madaxweyne Siilaanyo ayaan la hadlayd, dawlada Federalka Somalia way ku guulaysatay in magaalada Taleex Somaliland si nabad ah uga baxdo” Xasan Sheekh Maxamuud

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaasi raaciyey “Taleex Waa Run maalin dhaweyto waxa ka dhacay waxoogaa colaad ah oo ciidamada Somaliland oo yimid Taleexi, ciidamada Puntland-na waxa ay u diyaargaroobeen inay iyaguna tagaan Taleex.

Dawlada Somalia door weyn ayay ka qaadatay dawlada Puntland ayaanu la hadalnay dawlada Somaliland ayaanu la hadalnay in arintaasi la dajiyo, dawlada federalka Somalia way ku guulaysatay arintaasi oo la dajiyey duulimaadkii Puntland ku socotay uu hakaday, Somaliland-na ay magaaladii dib uga baxday si nabad ah.

Aniga madaxweyne ahaan shakhsiyan arintaasi waan galay Madaxweyne Siilaanyo ayaan la hadlay, Madaxweyne Cabdiwali ayaan la hadlay si aanay meeshaasi dhiig Soomaaliyeed ugu bixin, dawladuna way sii wadaa cilaaqaadka labada dhinac ka dhexeeya, meel kasta oo dhibaato soomaaliyeed ka dhacdana waanu ka shaqaynaynaa”.