Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 3 2014                                             Rajab 4,1435H     

 

 

 

 

Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Oo Xukuntay Eedaysanayaashii Loo Haystay Gabadhii Maydkeeda Godka Lagu Aasay

Hargaysa, May 3, 2014 (Haatuf) - Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa maanta xukun dil, xadhig iyo siideynba ku riday eedeenayaal loo haystay inay dileen Ruqiya Siciid Ayaanle oo bishii Febraayo 24 keeddi Maydkeeddii laga dhexgalay god ku yaalla guri magaalada Hargeysa.
Maxkamadda ayaa maanta soo saartay go’aanka xukunkaasi, waxaana xukun dil ah lagu xukumay Hooyo Muuna Maxamed Cabdilaahi iyo saddex qof oo ay dhashay oo la kala yidhaa Maxamed Axmed Cabdi, Sakariiye Axmed Cabdi iyo Farax Axmed Cabdi,kuwaas oo lagu helay dilka marxuumadaasi.
Sidoo kale, waxa xoriyadoodii dib u helay Cabdi Salaam Ismaaciil Maxamed Oo Ah Ninkii Qabay Muuna Maxamed Cabdilaahi Iyo Kalsoon Xaaji Maxamed Xirsi oo ay wanjashay gacan ku dhiiglayaashu inay kala shaqaysay dilka haweenaydaasi.
“Muuna Maxamed Cabdilaahi Ina Faadumo Cali Waxa Ay Maxkamadu Ku Xukuntay Qisaas Dil Ah,Maxamed Axmed Cabdi Ina Muuna Maxamed Waxa Ay Isna Maxkamadu Ku Xukunta Qisaas Dil Ah,Sakariiye Axmed Cabdi Oo Ah Ina Muuna Maxamed Waxa Ay Maxkamadu Ku Xukuntay Qisaas Dil Ah,Farax Axmed Cabdi Ina Muuna Maxamed Waxa Ay Maxkamdu Ku Xukuntay Qisaas Dila Ah”ayuu yidhi Gudoomiyaha maxkamadda degmadda Hargeysa Faysal Maxamed Cabdilaahi (Faysal Dhaga Dhago) oo ka hadlayey xukunka maxkamadda.
Waxaanu intaas ku daray “Waxa Kale Oo Ay Maxkamadu Ku Xukuntay Hana Cabdi Salaan Ismaaciil Ina Muuna Maxamed Oo 17 jir Ah 10 Sanno Oo Xadhig Ah Taas Oo Sharcigu Dhigayo Qofka 18 tobban Jir Ka Yar Aan Lagu Xukumin Dil Madaamo Oo Sharcigu Dhigayo Qofka Ka Wayn 18 toban Sannadood In Lagu Xukumi Karo Dil, Kalsoon Xaaji Maxamed Xirsi Oo Iyaduna Ku Eedays-Nayd Qodobada Dilka Ah Oo Ay Masabiday Gabadha Layidhaa Muuna Oo Aanu Hore Dilka Ugu Soo Xukunay, Waxaana U Celinay Xoriyadeedii Sababtoo Ah Baadi Goobkii Ay Baadi Goobayse Ruqiya Cidii Dishay Ayaa Ay Ugu Soo Dartay Kiiskaas,Ka Bacdi Markii Xafiiska Xeer Ilaalinta Wax Cadayn Ah Lakeeni Waayey Waxaana Isku Raacnay In Xoriyadeeda Loo Celiyo”.
“Cabdi Salaam Ismaaciil Maxamed Ina Faadumo Oo Ah Ninkii Qabay Muuna Maalintaas Uu Dilku Dhacayey Waxa Uu Ku Maqnaa Magaalada Berber Maanu Ogayn Muddo Bil Ahna Gabadha Ayey Kala Maqnaayeen Oo Gurigaba Muu Seexan Jirin Isagan Xoriyadiisa Ayaanu U Celinay,Maxamed Xasan Cabdi Oo Lagu Eedaynayey Qodobka 297 Oo Markii Ay Baadhistu Socotay Majaro Habaabiyey,Isla Markaasna Bilayskii Iyo Eheladii Marxuuma Ruqiya Siciid Ayaanle Ugu Sheegay Magaalada KalaBaydh Markaas Waxaana Ay Maxkamadu Ku Xukuntay Sannad Xadhig Ah”ayuu yidhi Faysal DHego dhego.
Muuna Maxamed Cabdilaahi iyo saddex qof oo ay dhashay ayaa lagu helay dambiga ah inay dishay Ruqiya Siciid Ayaanle, isla markaana lagu aasay god ku yaalla gurigooda, taas oo muddo toddobad ah la raadinayey, haseyeeshee markii dambe lagu guulaystay in maydkeedda la helo.
Toddobaadyadii u dambeeyey ayaa maxkamadda degmadda Hargeysa ka socotay xukunka eedeesanayaashan,kuwaas oo dadweynuhu si weyn uga dhursugayeen,maadaama oo dhacdadan ahayd mid ugub ku ah magaaladda Hargeysa.