Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 3 2014                                             Rajab 4,1435H     

 

 

 

 

S/land Oo Laga Xusay Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Aduunka Iyo Xukuumada Siilaanyo Oo Dhaliilo Looga Soo Jeediyey Tacadiga Ka Dhanka Ah Warbahinta Madaxabanaan

Hargeysa, May 3, 2014 (Haatuf) - Ururada Saxaafadda Somaliland ayaa maanta si balaadhan u xusay maalinta xoriyatul qawlka saxaafadda aduunka oo sanad kasta la xuso bisha May 3-deedda.
Munaasibadan loogu dabaaldegayey maalinta saxaafadda aduunka ayaa waxa ka soo qaybgallay guud ahaan warbaahinta Madaxabanaan ee Somaliland, xisbiyada mucaaradka, xisbiga muxaafadka ah ee kulmiye, iyo xubno ka socday dawlada wariyeyaal, ururadda xuquuqul insaanka iyo marti sharaf kale.
Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI ayaa iyagu xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay inay cabudhinayso xoriyatul qawlka, isla markaana ugu baaqay inay degdeg usii daysay labadda wargeysa ee Hubaal iyo Haatuf ee xafiisyadoodda la xidhay.
“Immika waxaan ka imi Dibada(Yurub) meeshaanu istaagnaba waxaanu kaga hadlaynay qaddiyada Somaliland,Su’aalihii ugu badnaa ee nala waydiinaayay waxaa ka mid ahaa maxaa loo xidhay Hubaal iyo Haatuf dawlada Siilaanyo meel xunbay wax marinaysaa,Xuquuqal iinsaankii dalkuna wuu arbushan yahay muwaadiinka maanta waxaa xidhi kara Askariga,Wasiirka ninkii doonaa xidhi kara cid is waydiinaysaana ma jirto”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo hore u ahaa gudoomiye ku xigeenkii xisbiga KULMIYE, balse hadda ku hadlayey afka madasha wadatashiga.
“KULMIYE waxyaabo badan ayuu xariif ku ahaa Siilaanyo saxaafaddii wuu ku guuray ,baarlamaankii wuu ku guuray intaaba immika wuu ka dul talaabsadoo wuxuu yidhi idiinma baahnin Saxaafaddii imika waxaa laga ilaalinayaa in ay wax sheegto, ina Riyaale waxaanu odhan jirin wuxuu ahaa Nabad-sugidii Saxaafaddu xidh-xidhaa Riyaale intuu uu xilka hayey wuxuu xidhay 17 Suxufi, labadii Sannadood ee ugu horeeyay Siilaanyo wuxuu xidhay 58 Suxufi”ayuu raaciyey C/raxmaan C/qaadir.
Gudoomiye ku xigeenka xisbiga taladda haya ee KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isna ka difaacay eedeentii xisbiyada mucaaradku u jeediyeen xukuumadda, isla markaana sheegay in laga wada hawlgallo sidii loo siideyn lahaa wargeysyada xidhan.