Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 3 2014                                             Rajab 4,1435H     

 

 

 

 

Faysal Dhago-dhago Oo Diiday Inuu Garyaqaanadii

 Haatuf Siiyo Nuqulka Dacwadii Lagu Soo Oogay Masuuliyiinta Wargeyska

Wuxu Sheegay Inay Jirto Dacwad Labaad Oo Isagu Dhibane Iyo Garsoore Ka Wada Yahay  

Hargeysa, May 3, 2014 (Haatuf) - Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Faysal Cabdilaahi (Dhago-dhago) ayaa maanta diiday inuu nuqulkii dacwadii loo haystay masuuliyiinta Haatuf siiyo garyaqaanadii ay masuuliyiinta wargeysku u wakiisheen inay ka difaacaan dacwada ay ku soo oogeen qaar ka mid ah xubnaha xukuumada Somaliland oo aan ilaa hada magacyadooda la shaacin taas oo mudaysnayd inay barito ka furanto maxkamada gobolka Hargeysa ayaa gudoomiyihii maxkamadaasi Faysal Dhago-dhago waxa uu maanta qareenadii Masuuliyiinta Haatuf qabsadeen u diiday inuu nuqul ka siiyo xaashida eedaynta ee dacwaysaneyaashaasi loo haysto.

Faysal Dhago-dhago ayaa wuxuu ku dooday inuu dacwadii dawladu u haysatay Haatuf ka soo horaysiin doono dacwad kale oo uu isagu dhibane ka yahay oo uu sheegay inay la xidhiidho warar uu Wargeysku isaga ka qoray.

Masuuliyiinta Haatuf ayaan ilaa maanta maxkamada uu gudoomiyaha ka yahay Faysal Dhago-dhago aan ka helin wax qoraal ah oo yeedhmo ah marka laga yimaado baafin idaacada dawlada iyo qaar ka mid ah wargeysyada dalka todobaadkii hore laga sii daayey.

Sidoo kale ma jirto wax galdacwadeedyo ah oo ilaa hada soo gaadhay eedaysaneyaasha ama garyaqaanada ay masuuliyiinta wargeysku wakiisheen.

Hadaba iyadoo marka horeba ay baal marsanayd nidaamka habka garsoorka in isla maxkamadii gobolka ee afarta xayiraadood ee isdaba jooga ah ku xukuntay Haatuf horaantii bishii hore ay hadana iyadu qaado dacwadan xukunkeeda ay sii qadintay ayaa waxa kale oo ah wax lala yaabo in Faysal Dhago-dhago uu ka garnaqo dacwad uu isagu dhibane ka yahay masuuliyiinta Haatufna eedaysaneyaal ka yihiin oo aan maanta ka hor la maqal taas oo muujinaysa maalaayacninimada uu garsoorkii dalku ku dambeeyey.

Faysal Dhago-dhago oo ahaa garsoorihii afar ka mid ah hawlwadeenada Haatuf ku xukumay jeelka Mandheera dhexdiisa March 2007 ayaa waxa laga soo warinayaa hadalo muujinaya in uu sii xukumay kiiskan ay dawladu ku soo oogtay Haatuf iyo kan cusub ee uu maanta jeebka kala soo baxay oo uu damacsan yahay inuu masuuliyiinta Haatuf isugu daro go’aamo isugu jira Xadhig, Ganaax iyo Xayiraad joogto ah.

Faysal Dhago-dhago oo warbaahinta maxaliga ahi ku tilmaanto garsooraha ugu laaluush qaadashada badan dalka Somaliland ayaa waxa ay isku shaqaystaan gudoomiyaha maxkamada sare Yuusuf Ismaaciil Cali Oo ay Ilmaabti yihiin.

Gudoomiyaha maxkamada sare oo gacan saar la leh madaxtooyada Somaliland ayaan isaga iyo Faysal Dhago-dhagaba wax baqdin ahi ka haynin inay xilalkooda waayaan intay xukuumadani jirto sirta ay madaxda dawlada ka hayaan la-ajligeed  iyadoo wasiir ku xigeenkii amniga Cabdilaahi Abokor ee ay dhawaan labadan garsoore isku dhaceen xalay  laga qaaday xilkii.

C/laahi Abokor ayaa intii uu xilka hayey hakin jiray qaar ka mid ah go’aamada cadaalad darada ah ee uu gaadhi jiray Faysal Dhago-dhago oo hadii la fulin lahaa sabab u noqon lahaa isku dhaco iyo nabadgalyo daro bulshada dhexdeeda ah.