Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 5 2014                                             Rajab 5,1435H     

 

 

 

 

“Cali khaliif Waa Nin Gabadhi Dhashay, Laakiin Ka Ogolaan Mayno Siyaasadiisa,Buuhoodlena Noqonmayso Dhagax La Isku Taago”

Wasiir Xagla-Toosiye

Hargeysa, May 5, 2014 (Haatuf) - Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (xaglo-toosiye) ayaa si Badheedh ah uga Hadlay Safarkiisa uu ku jooga Magaalada Buuhoodle oo aanu tegin sidii uu wasiirka uga Noqday Xukuumadda Somaliland.

Wasiir Xaglo-toosiye oo waraysi siiyey Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in socdaalka uu Buuhoodle ku joogaa ka mid yahay kormeer uu wasiir ahaan ku marayo gebi ahaanba Somaliland si uu wax uga ogaado arrimaha caafimaadka iyo halka ay marayaan.

Wasiirka ayaa sheegay inuu ku jiro safarro caadi ah si loo dardar geliyo arrimaha caafimaadka ee Somaliland, “Sababtaan Buuhoodle u tegay waa mid la xidhiidha safarradii aan ku marayey waddanka somaliland ee aan ugu guurgalayey adeegyada iyo xarumaha caafimaad ee waddanka maadaama aan wasiirka caafimaadka ahay, hadana waxan ku jiraa Kormeer aan ka bilaabay degmada Buuhoodle.” Ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.

Wasiirka ayaa sheegay inuu Tegay Magaalo iyo Deegaan uu ku dhashay, kaas oo aanay jirin cid ka hor istaagi kartaa, waxana uu yidhi,

“Buuhoodle waxa iigu dambaysay markii aan Nabadgelyada la saxeexday Madaxweyne Siilaanyo ee aan ciidamada ka rarnay meelahay Fadhiyeen Maxaabiistana soo deynay,, anigu waxan imi magaaladaydii Aabahay joogay, Tolkay Joogay, dadkaygu joogay ee deegaankayga ahayd.”

Waxa uu wasiir xaglo-toosiye sheegay inuu magaalada ku galay kalsoonida shacabka iyo waliba jacayl ay u qabaan dadku in horumarka Somaliland ay qabtooda ka qaataan, waxana uu yidhi,

“Ciidan Somaliland oo aniga daacad ii ahi waa joogeen,laakiin kuwaas kumaan imane waxan ku imi Nin ka mid ah degaanka oo u dhasay, wax ka qabtay shacacbkiisu taageersan yihiin, jecelyihiin waana la igu soo dhaweeyey.”

Waxa uu meesha ka saaray wasiirku jiritaanka Ciidamo iyo awood uu magaalada ku galay,

“Ciidan aan watay ma jirin, buuhoodle ciidan iyo Hantidaad iyo Tekniko laguma soo galo, soo dhaweynta maanta ii dhacdayna waxay ahayd mid aan anigu awood ku muquuniyeye waxay ahayd jacayl ay dadkaygu I jecel yihiin” ayuu yidhi xaglo-toosiye.

Waxa uu jawaab ka bixiyey Joogiyaanka Cali khaliif ee Deegaanka Buuhoodle, waxana uu ku macneeyey Booqashada cali khaliif mid la xidhiidha Hooyadii oo halkaas deggen, waxana uu u diray Digniin cusub oo nabadgelyada la xidhiidha,

“Cali khaliif waa nin Gabadhi dhashay, deegaankana ka tirsan, Magaaladiisana jooga cid odhan karta Magaalada Ka baxna ma jirto, laakii ka ogolaan mayno cali khaliif siyaasadii isaga dantiisa ku saabsanayd, Buuhoodle noqonmayso dhagax la isku taago oo uu qofku ku gaadho dantiisa, balse Hooyadii baa joogta oo uu soo booqday, una malayn maayo inuu sameeyo dhaqdhaqaaq keeni kara Nabadgelyo darro.” Ayuu yidhi wasiir Xaglo-toosiye.

Booqashada wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Deegaanka Buuhoodle, ayaa muujisay in Gebi ahaanba dadka halkaas ku dhaqani ay diyaar u yihiin inay Somaliland la qaybsadaan HOrumarka iyo wanaagga ka jira, waxana haatan wixii ka dambeeya muuqata in la derder gelin doono tallaabooyinka Wax loogu qabanayo Dadka halkaas deggen.

Burco/berberatoday.com