Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 5 2014                                             Rajab 5,1435H     

 

 

 

 

Somalilanderska Degan Birmingham Oo

Ka Cadhooday Shahaado Sharaf Ay Wasiiro Ka Dambeeyaan

 Oo La Siiyey Niman Sheegtay Inay Matalaan Jaaliyada Sheffield

Birmingham, May 5, 2014 (Haatuf) - Laba ka mid ah Wasiirada Somaliland ayaa saddexdii todobaad ee u dambeeyey waxay bulshada reer Somaliland ee ku nool qaar ka mid ah magaalooyinka dalka UK kula dhex jireen camalo u horseedi kara qaybin iyo kala fogaanshe ku yimaada jaaliyadaha Somaliland ee degan wadankaasi gaar ahaan kuwa ku nool Sheffield iyo Birmingham.

Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) iyo wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa mudooyinkan dambe aan faraha kala bixin shu’uumaha jaaliyadahaasi iyagoo isku dayaya inay ka dhex samaystaan kooxo (Groups) labadooda taageersan oo midba ujeedooyin gooniya ka leeyahay.

Wasiirka Macdanta ayaa isagu inuu faraha la galo arimaha jaaliyadaha Birmingham iyo Sheffield waxa ku kalifay Labaatankii Kun ee Dollar ee xukuumadu ugu dhiibtay horaantii bishii April qaban-qaabada xafladii aqoonsiga Somaliland ee lagu qabtay Sheffield oo wargeyska Haatuf ku sheegay cadadkiisii 7/4/2014 in lacagtaas uu Wasiirku jaxaastay.

Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale oo daba-jooga warkaas Haatuf ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa 9/4/2014, waxa uu ku sheegay inuu lacgtaasi ku wareejiyey jaaliyada Sheffield marka laga reebo kharashkii ku baxay tigidhadii iyo hotelkii isaga iyo wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis oo ay xukuumadu labadooda u igmatay inay xukuumada uga qayb-galaan munaasibad weyn oo loo sameeyey aqoonsiga golaha deegaanka Sheffield u fidiyey JSL.

Wasiir Xuseen Waji-xun ayaa wuxuu shirkaa jaraa’id ku soo bandhigay warqad uu soo qoray urur la yidhaahdo Israac Somaliland Community Association oo uu ku saxeexan yahay nin magaciisa la yidhaahdo Aadan Yuusuf kuna sheegayaan in wasiirku labaatankii kun ee dollar oo dhan uu soo gaadhsiiyey jaaliyada Sheffield.

Hase yeeshee masuuliyiin ka tirsan jaaliyada Sheffield oo arintaa ka hadlay ayaa iyagu sheegay in lacagtaas aanay soo gaadhin taas oo Waji-gabax ku noqotay wasiirka Macdanta isla markaana ku kaliftay inuu lacago badan oo jeebkiisa ah usoo diro Aadan Yuusuf oo reer Sheffield ah si uu jaaliyada halkaas ku nool oo isu dhan uga helo qiraal qoraal ah in lacagtaasi lagu wareejiyey jaaliyada Sheffield.

Arintan Labaatanka Kun ee wargeysku wasiirka ku eedeeyey inuu lunsaday ayaa waxay ka mid tahay 11 eedood oo Mr Xuseen Cabdi Ducaale ka tirsanayo Wargeyska Haatuf oo dacwadoodu 4/5/2014 ka furantay maxkamada gobolka Hargeysa taas oo hore xayiraad ugu soo rogtay Wargeyska Haatuf 7/4/2014.

Mr Ducaale oo ku dacwoonaya inuu wargeysku ka been sheegay ayaa arintani waxay ka gaadhay heer uu abaabulo koox reer Sheffield ah oo ka soo qaybgasha xuska 18 May gaar ahaan ka lagu qaban doono magaalada Burco bishan oo tigidhadooda iyo kharashkoodaba isagu qabo.

Kooxdan reer Sheffield ayaa niman degan magaalada Birmingham ay shalay gudoonsiiyeen wax ay ugu yeedheen Shahaadad Sharaf ay yidhaahdeen waxay ku mutaysteen dedaalkii ay u galeen aqoonsiga Sheffield ee Somaliland taas oo dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan Birmingham ay ka cadhoodeen kuna tilmaameen talaabo dhinac ka raran oo lagu kala qaybinayo jaaliyada Sheffield ee iyadoo midaysan ku guulaysatay qaraarkii golaha magaaladaasi ku aqoonsaday Somaliland.

Dhinaca kale wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi ayaan isagu faraha kala bixin arimaha jaaliyada reer Somaliland ee degan magaalada Birmingham iyadoo uu sanadkasta ku noqnoqdo magaaladaasi oo ahayd meeshii uu degenaa intii aan xilka uu hada hayo loo magacaabin.

Ujeedada wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sida ay reer Birmingham intooda badani isku raacsan yihiin aan dhaafsiisnayn inuu taageero ku dhex yeesho dadka beeshiisa ka soo jeeda ee ku nool Birmingham kuwaas oo marka mudo la joogaba uu ku dhiirigaliyo inay madaxweynaha la xidhiidhaan  iyagoo amaantiisa badinaya taas oo uu uga dan-leeyahay inaan xilka laga qaadin.