Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 5 2014                                             Rajab 5,1435H     

 

 

 

 

Go’aankii Muuse Biixi Ku Iclaamiyey Inuu Madaxwayne Siilaanyo Kula Tartami Doono Musharaxnimada Madaxwaynaha Kulmiye Oo Xiisad Ka Abuuray Madaxtooyadda

Hargeysa, May 5, 2014 (Haatuf) – Dhawaaqii maalintii shalay ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbul-xaakimka dalka ee Kulmiye mujaahid Muuse Biixi Cabdi ee uu ku iclaamiyey inuu madaxwayne Siilaanyo kula tartami doono musharaxnimada xisbigaas ee doorashadda madaxwaynaha ee la filayo inay dalka ka qabsoonto sanadka danbe ee 2015-ka ayaa dareeno iyo xiisado xamaasad leh ka dhex abuuray madaxtooyadda Somaliland.

Hadalka uu shalay Muuse Biixi ka sheegay mar uu BBC-da u waramayey ee uu ku shaaciyey inuu musharaxnimada madaxwaynaha Kulmiye u tartami doono ayaa sida ay Haatuf u sheegeen ilo wareedo xogogaal ahi ay dhibsadeen madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo saaxiibadiisa siyaasada ee aadka ugu dhawdhaw wakhtigan oo iyagu siyaasiyan u arkaya inuu caqabad-wayn ku noqon doono Muuse Biixi hadii uu teeram 2-aad damco inuu madaxwayne Siilaanyo isa soo sharaxo, maadaama oo uu xiligan yahay guddoomiye rasmi ah oo uu ka gudbay ku meel-gaadhnimadii hore.

Sidoo kale sida ay xogahaasi tibaaxeen go’aankan Muuse Bixi ee xiligan oo ka saamayn-badnaa dhawaaqyadiisa hore ee uu ku soo bandhigi jiray damaciisa siyaasiga maadaama oo dhawaan uun si rasmi ah loogu cumaamaday guddoomiye-nimadda xisbul-xaakimka dalka ayaa arrintani waxay sababtay in 24-kii saacadood ee u danbeeyey ay madaxtooyadda ka socdeen dhaqdhaqyo lagaga arrinsanayo go’aankaasi, taas oo ay hormood ka ahaayeen xubno ka mid ah haldoorka beesha madaxwayne Siilaanyo oo sida xogahaasi tibaaxeen aan mahadinin damaca Guddoomiye Biixi ee wakhtigan xaadirka ah.