Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 7 2014                                             Rajab 7,1435H     

 

 

 

 

Wasiirka Macdanta Oo Shirkada Jacka Resources U

Ogolaaday Inay Saamigii Ay Ku Lahayd Oodweyne Block Ku Faasaxdo $12 Million

Dawlada Waxa Cashuurtii Ku Waajibaysay Kala Wareejinta Saamigaasi Iskaga Gudbay Wasiirka iyo Shirkadaha Wax Kala Iibsaday

Hargeysa, May 6, 2014 (Haatuf) – Shirkadda Jacka Resources Somaliland Limited oo laga leeyahay dalka Australia ayaa si rasmi ah maanta ugu dhawaaqday (6 May 2014) inay qaybtii ay ku lahayd Oodweyne Block oo ahayd 15% ay $12 million kaga iibisay shirkada la yidhaahdo Sterling Energy (East Africa) Limited kadib markii shirkada Jacka Resources iyo wasiirka Macdanta ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) ay isla qaateen in shirkadda Sterling oo hore Oodweyne Block ugu lahayd 25% ay iibsato 15%-kan siyaadada ah taas oo ka dhigaysa saamiga ay ku yeelanayso Oodweyne Block 40%.

Lacagtan lagu kala iibsaday saamigan 15%-ka ah ayaa shirkada Sterling $2.4 Million ka mid ah u bixin doontaa Xaqul-Qalin ahaan (Bonus Signature) marka saxeexida heshiiskan qalinka lagu duugo, halka lacagta baaqigeeda oo ah $9.6 Million ay Sterling Energy siin doonto shirkada Jacka Resources marka la dhamaystiro heshiiska todobaadka soo socda gudihiisa.

Shirkada Sterling ayaa markii ugu horaysay ee ay soo gasho suuqa lagu kala iibsado saamiyada heshiisyada shidaal baadhista ee Somaliland waxay ahayd 28 October 2013 xiligaas oo ay 10% Oodweyne Block ka iibsatay shirkada Petrosoma Limited oo uu leeyahay ninka la yidhaa Maxamed Yuusuf, waxaanay shirkada Sterling saamigaa ku iibsatay lacag marka la isku geeyo noqonaysay $10 Million dollar oo ay ku jirto laba milyan oo dollar oo Jacka Resources ay xaqul-qalin ahaan u qaadanaysay.

Shirkada Petrosoma ayaa hada waxay Oodweyne Block ku leedahay saami ah 10% taas oo ay 5% ka mid ah ay Option-ahaan u yeelanayso shirkada Jacka Resources, 3% uu yeelanayo ninka la yidhaa Maxamed Yuusuf halka 2%-ka hadhayna ay yeelanayso shirkada Minsom Assets ltd oo uu gudoomiye ka yahay Cabdulwahaab Axmed-Yaasiin Gabaxadi oo iyadu ah shirkada Shidaal baadhiseed ee kaliya ee ka diiwaangashan Somaliland isla markaana ah shirkadii ugu horaysay ee dalka ka bilawda hawlaha shidaal baadhista sanadkii 1999.

Maxamed Yuusuf iyo Cabdulwahaab Gabaxadi ayaa khilaaf soo kala dhexgalay oo xalintiisa ay galeen sagaal suldaan oo ka soo jeeda deegaanka Oodweyne oo labada dhinacba kalsooni siiyeen ayaa waxa lagu dhameeyey in sida kor ku xusan ay wax u kala yeeshaan.

Shirkada Sterling Energy ayaa hadana markay taariikhdu ahayd 8 November 2013 ku dhawaaqday inay iibsatay 15% oo ka mid ah saamigii 30%-ka ahaa ee Jacka Resources ku lahayd Oodweyne Block.

Saamigaa 15%-ka ah shirkada Sterling Energy waxay ku bixisay $3 Million oo dollar oo xaqul-qalin ah iyo $12 Million oo bixinteedu ku xidhnayd kolba dhamaystirka wajiyada uu heshiisku ka kooban yahay.

Hadaba heshiiskan cusub ee maanta la kala saxeexday ayaa waxa uu shirkada Jacka Resources dibada ka dhigayaa heshiiskii shidaal baadhista ee ay kula jirtay xukuumada Somaliland inkastoo ay saami 5% oo Option-ah ay wali ku yeelanayso Oodweyne Block taas oo u saamaxaysa inay mustaqbalka dib uga soo gasho Suuqa Saamiyada heshiisyada shidaal baadhista ee Somaliland.

Ma Jirto wax cashuur ah oo ay dawlada Somaliland ka qaadatay lacagaha kor ku xusan ee lagu kala iibsaday shidaalka ku jira dhulkeeda iyadoo Wasiirka Macdantu uu iskaga gudbo oo aanu la socodsiinin xukuumada marka ay shirkaduhu kala iibsanayaan saamiyada heshiisyada shidaal baadhista iyo waxay kala siistaan taasa maadaama uu madaxweynuhu madaxbanaani u siiyey Wasiirka inuu kalidii bixiyo ogolaanshaha kala wareejinta lahaanshaha saamiyada.

Sida kor ku xusan lacagaha xaqal-qalinka ah ee shirkaduhu ay isa-siiyaan ayaa ka badan ta ay xaqul-qalin ahaan u siiyaan xukuumada Somaliland marka u horaysa ee ay la galayaan heshiisyadan ay marka dambe sida weyn ugu macaashayaan.

Tusaale ahaan wasiirka Macdanta ayaa dhawaan sheegay in lacag gaadhaysa $1.8 million ay xukuumadu xaqul-qalin ahaan uga qaaday shirkada Ansan Wikfs kadib markii ay u ogolaatay inay shidaal ka baadho saddex Block oo dhulka Somaliland ku yaala halka shirkada Sterling Energy ay maanta xaqul-qalin ahaan u bixisay $2.4 million kadib markii ay iibsatay boqolkiiba 15 Block-ga Oodweyne taas oo ka badan xaqul-qalinkii xukuumadu ka qaaday sadexdii Block ee ay u qoondaysay shirkada Ansan Wikfs.

Xataa lacagahan yare ee xaqul-qalinka ah ee ay shirkaduhu xukuumada siiyaan ayaan toos loogu soo shubin wasaarada maaliyada balse waxa gacanta laga galiyaa Wasiirka Macdanta kaas oo marka uu sii kala farsameeyo baaqiga u keena Wasaarada Maaliyada isagoo halkii dollar u xisaabinaya 4,000SL.SH.