Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 7 2014                                             Rajab 7,1435H     

 

 

 

 

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Oo

Khudbadii Madexweyne Siilaanyo Ku Tilmaamay Sheeko Baraley

Iyo In Aanu Ka Hadal Arimihii Laga Sugayay Ee Wacyiga Dalka Ka Taagan

Hargeysa, May 7, 2014 (Haatuf) - Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah Gudoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada ahna Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa sheeko baraley ku tilmaamay Khudbadii Madexweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo maanta ka hor jeediyay labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Wakiilada iyo Guurtida), waxaanu  Xildhibaanku hoosta ka xariiqeyn in aanu habayaraatee Khudbadaasi kusoo qaadin wacyiga dalka ka jira oo ay ka mid yihiin habdhaqanka Xukuumadiisa ee cabudhinta Saxaafada iyo doorashooyinka nidaamka Hogaankiisa ee Shacabku saluugsan yahay.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo khudbada kadib u waramey Warbaahinta ayaa waxa kamid ahaa hadaladiisa.

“Waxaad arki kareysaan in aanu Madexweynuhu ka hadlin arimihii muhiimka ahaa, oo ay kamid tahey waxyaabaha foosha xun ee ay mudooyinkan dambe Xukuumadiisu kula dhaqanto Saxaafada, waxa

kale oo ay ku tuseysaa in arimihii doorashooyinka iyo diiwaangalinta ee muhiimada weyn lahaa ee dalku maanta u taagnaa in xukuumada laga arko sidii loogu diyaar garoobi lahaa diiwaangalin dhameys tiran si ay u dhacdo Doorasho xalaal ah oo ay imika inaga xigto laba iyo toban bilood, in uu ka shaqeeyo ayay aheyd oo Khudbadiisa ku tiiqtiiqsado wey ka madhneyd iyaduna, waxa kale oo ay ku tuseysaa in meelihii ugu darnaa ee istaraatijiyada xukuumadiisu ku hageyso dalka in aanu habayaraatee soo hadal qaadin sidaas darteed waxaan odhan karnaa intii ku hareersneyd waxey usoo sheegeen ayuu umada usoo bandhigay" Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

Sikastaba ha ahaatee, laba maalmood ka hor ayay aheyd markii ay bilaabantey doodii ajandaha kalfadhiga 24aad ee Golaha Wakiilada Somaliland, taas oo ay Xildhibaanada dhaliila Xukuumada Siilaanyo ku dalbadeen in uu Madexweynuhu hor yimaado Golaha si ay mudanayaashu u weydiiyaan Su,aalo khuseeya Siyaasada ay Xukuumadiisu ku hogaamiso dalka iyadoo, dhinaca kalena aanay khudbad sanadeedka Madexweynuhu maanta u jeediyay labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Wakiilada-iyo Guurtida) kujirin Arimo uu kusoo qaadey  

Khudabad sanadeedkii hore kuwaas oo qaarkood ahaayeen balanqaad halka kuwa kalena uu ku sheegay in ay Xukuumadu ku guuleysatey daminta Arintii Ceel-Bardaale taas oo kal hore ku beenowdey deyrtana aanu kusoo qaadin khudbad sanadeedkisa.

Waxaana kamaqnaa kulnaka maanta Madexweyne Siilaanyo khudbad Sanadeedkiisa ugu jeedinayay mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Wakiilada-Guurtida), Xildhibaano badan oo katirsan Golaha Wakiilada Somaliland, oo sauugsanaa khudbada iyo su’aalaha aan la weydiineynin labadaba.

 

Source: Hadhwanaagnews