Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29258

April 22, 2012                                                       Jamadi Al-Awal 30,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Real Madrid Oo Ku Guulaysatay El Clasico Rajo Beelna Ka Dhigtay Damacii Barcelona Ee La Liga Iyo Ronaldo Oo Messi Ka Dhaabay Hogaanka Gool Dhalinta Horyaalka

Kooxda Real Madrid oo xalay gaadhay guul ay u haraadanayd mudo dheer kadib markii ay  iyada oo  mariti ku ahayd garoonka Camp Nou kasoo dul talaabsatay kooxda horyaalka difaanaysa ee Barcelona.l kulankii xalay ka dhacay garoonka Camp Nou oo ahaa kulanka aduunka ugu xiisaha badan ee  loo yaqaan El Clasico oo ay wada ciyaaraan labada kooxood ee kula  magacaaban kooxda  qaraniga iyo kooxda xiligan aduunka ugu fiican ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa natiijadii sii ku dhamaatay si ka duwan sidii  dadka badidiisu ay filayeen. Kulaylka ciyaarta waxa markhaati ka ahaa kaadhadhka tirada badan ee lagu horey ciyaartoyda labada kooxood. Kooxda Real Madrid ayaa heshay goolka koowaad daqiiqadii 17-aad ee ciyaarta  kadib markii kubad madaxa uu kusoo beegay difaaca reer Portugal ee Pepe uu shabaga ku dhamaystiray Sami Khedira oo khadka dhexe uga ciyaara kooxda maryaha cad ee Real Madrid. Ciyaarto oo xisaheedu aad u badnaa ayaa waxa qaybtii hore lagu kala nastay gool iyo eber ay ciyaarta ku hogaaminayso kooxda Real Madrid.  Qaybtii danbe markii lagu soo laabtay kooxda Barcelona waxa ay samaysay isku dayo ay ku doonayso in ay ku hesho goolka bareejaha waxana ugu danbayn goolkeedii bareejaha u ansixyay weeraryahanka reer Chile ee Alex Sanchez daqiiqadii  73-aad ee ciyaarta afar daqiiqo kadib waxa goolka guusha u dhaliyay kooxda Real Madrid oo hogaamiyaha Portaqiiska ee C. Ronaldo  oo nasii u helay in uu gool ka horumaryo xidiga ay loolamaan ee Lione Messi oo ay hore u wada lahaayeen min 41-gool. Ronaldo waxa kale oo uu xalay dhigay rikoodh kale isaga noqday ciyaartoy kaliya ee dhamaan kooxaha ka dhisan La Liga isla markaana xiligan ku tartamaya dhamaantoo goolal ka dhaliyay.  Kulankii xalay ayaa mugdo iyo quus ku riday kooxda Barcelona oo wali kasii danqanaysa guuldarqii ay kala timid London ee kasoo haleeshay kooxda Chelsea todobaadkii hore iyada oo xiligan ka rajo dhigtay horyaalka La Liga ee dalka Spain. Real Madrid waxa ay hogaanka horyaalka ku qabatay 7-dhibcood iyada oo dhamaadka horyaalka ay ka hadhsan yihiin afar ciyaarood.