Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 10 2014                                             Rajab 10,1435H     

 

 

 

 

Maxkamada Gobolka Hargeysa Iyo Xeer Ilaalinta Oo Eedo Is Burinaya Ka Soo Kala Saaray Eeda Ay Xukuumada Siilaanyo Ku Soo Oogtay Madaxda Haatuf

Hargeysa 10, 5, 2014 (Haatuf) - Garsooraha maxkamada gobolka Hargeysa ee hagayay dacwadii ay xukuumada siilaanyo ku eedaysay masuuliyiinta wargeyska Haatuf ee ay hore xayiraada u saartay iyo xeer ilaalinta gobolka Hargeysa ayaa saaka laba eedood oo isburinaya ka soo kala saaray dacwada masuuliyiinta Haatuf.

 

Garsooraha maxkamada gobolka Hageysa ee hogaaminayay dacwadii saaka ee masuuliyiinta Haatuf ayaa furitaankii maxkamada kaga dhawaaqay in eedaysaha kowaad yahay maxamed Sagax oo xilka uu wargeyska ka hayo aanu sheegn, balse ku dhawaaqay in eedaysaha koowaad Maxamad sagax uu yahay, hase yeeshee xeer ilaaliyihii gobolka ee eeda Haatuf gacanta ku hayay ayaa isagu ku beeniyay garsooraha maxkamada, isla markaana sheegay in eedaysanaha koowaad yahay Axmed Cali Cige.

 

Dadweynihii dhagaysanayay fadhiga maxkamada saaka oo ay hor yimaadeen wasiirada macdanta Xuseen Cali Ducaale, arrimaha gudaha Cali Maxamed waran cade iyo Baashe Cawil (xidid ku xoolow) oo isagu ah wiil dhalinyaro ah oo uu sodog u yahay madaxweyne Axmed Siilaayo ayaa la yaab ay ku noqotay labada eedood ee iska soo horjeeda ee garsooraha maxkamada gobolka iyo xeer ilaalinta gobolku kaga kala dhawaaqeen madasha dhagaysiga dacwada, taas oo shacbigii shagaysnayay dacwadaasi ay ku tilmaameen inaan eedaha xukuumada siilaanyo ay ku soo oogtay masuuliyiinta Haatuf aanay wada soconin, isla markaana aanay si dhaba u cadayn cida ay dacwada ku soo oogeen.

 

Gudoomiyaha wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Calio Cige ayaa markii uu garsooraha maxkamadu ku dhawaaqay in maxkamadu xidhan tahay ayaa waxa laba dibble u qabtay ciidanka Bilayska, ka dibna xabsiga wayn u taxaabay iyadoo aanay maxkamadu ku dhawaaqin xadhiga masuuliyiinta Haatuf.

 

Xadhiga masuuliyiinta Haatuf ayaan ilaa hada cadayn cida amarkiisa bixisay, balse waxa ilo xogogaal ahi sheegayaan in xaga sare ee qasriga madaxtooyada laga soo bixiyay amarka xadhiga masuuliyiinta Haatuf.

 

Talaabadan xabsiga loogu taxaabay masuuliyiinta Haatuf ayaa ah mid ka soo horjeeda distoorka qaranka iyo shuruucda dalka u yaala, isla markaana baalmarsan xeer saxaafada.