Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 10 2014                                             Rajab 10,1435H     

 

 

 

 

Haatufka Maanta

Shacbiga Somaliland waxa u cadaatay in hadaladii beer la xawsiga ahaa ee Axmed Siilaanyo xilligii uu mucaaridka ahaa ku beer la xawsan jiray warbaahinta madaxabanaan iyo suxufiyiinta ka hawlgasha oo uu ku tilmaami jiray halyayo ay xaaran tahay in la cabudhiyo lana xidho, xilligii xukuumadii Rayaale-na uu odhan jiray waxay saxaafada kula kacaysaa talaabooyinkii faqash ee Siyaad Barre ayaa markii uu kursiga dalka sareeya ku gaadhay ku bilaabay xadhig, cabudhin, car juuq dheh iyo xayiraad sharci daro ah.

Waase la yaqaanaa xukuumadaha khaatumo xumaysanaya in lagu salido Haatuf iyo saxaafada madaxbanaan oo cabudhintooda iyo xadhigyadooda sharci daradu ay sahaydaan hogaamiyayaasha kalitaliska ku sifooba.

 

Waxa kale oo aanu shaki ka taagnayn in yeedhmadii maxkamada gobolka Hargeysa ay ugu yeedhay masuuliyiinta Haatuf aanay ahayn dacwad laga garnaqayo’e ay ahayd fal lagu shirqoolayay oo xabsiga loogu taxaabayay mj Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige oo ay madaxtooyadu awoodi wayday markay dibada joogeen inay xabsiga u taxaabto.

 

Alaylehe waxase la yaab ku ah ummada Somaliland Madaxweyne Siilaanyahan xayga ah ee aanay taladu gacanta ugu jirin ee kolba cid soo faraya musharax baan ahay, walleese cirridkaa aan arko ilko kama soo jeedaan.

Sidaa darteed waxa uu ururka SSJW uga digayaa madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa inaanay dalka u horseedin cabudhintii iyo talaabooyinkii sahayday rajiimkii Siyaad Barre ee aakhirkii ku khaatumo xumaystay cabudhintii, jidhdilkii iyo xadhigyadii sharci darada ahaa ee uu kula kici jiray shacbiga.

Sidoo kale ururka SSJW u arkaa talaabadii maxkamada gobolka Hargeysa ugu yeedhay masuuliyiinta Haatuf mid ujeedada Ka dambaysaa ahayd mid shirqool ah oo loogu maleegayay xadhigan lagu fuliyay maanta

Ururka SSJW waxa uu ugu baaqayaa madaxweyne Siilaanyo iyo maamulkiisa inay si bilaa shuruud ah xayiraada uga qaadaan wargeysyada Haatuf iyo Hubaal, isla markaana xariyadooda si dhakhso ah ugu soo celiyaan masuuliyiinta Haatuf ee xabsiga loo taxaabay.

Ururka SSJW waxa uu kula talinayaa isla markaana uga digayaa madaxweyne Siilaanyo inuu raaco dariiqooyinkii Siyaad Barre ku burburiyay dalkii Somalia la odhan jiray inuu u horseedo Somaliland oo xornimadeeda halgan dheer oo dhiigg badan loo daadiyay lagu keenay.