Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 10 2014                                             Rajab 10,1435H     

 

 

 

 

Madaxda Haatuf Oo Meel Lagula Xidhay Xubno Falal Argagixiso Ugu Xidhan Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa

Xubnahan Argagixisada Ah Ayaa qaarkood Godob Ka Tirsanayaan Guddoomiyaha Haatuf Oo Su'aalo Uu Hore U Waydiiyey Jaamac Kuutiye Si Wayn Uga Cadhooday

Hargeysa, May 11, 2014 (Haatuf) – Cadaawada ay xukuumadda Siilaanyo u qabto Wargeyska Haatuf oo mudo bil iyo badh ah xaruntiisii guud loo xayiray ka dib markii uu baahiyey musuq-maasuq baahsan oo ay ku kacday xukuumadda talada haysaa ayaa dibada u soo baxay ka markii maanta duhurkii si jujuub ah xabsiga loogu taxaabay guddoomiyihiii iyo tafatirihii wargeyska madaxabanaan ee Haatuf, kuwaas oo maanta hortagay maxkamadda gobolka Hargeysa oo dacwadii loo haystay ay maanta si rasmi ah uga furantay.

 

Madaxda Haatuf oo sifo xabsiga loogu taxaabay aan ilaa hada la garanaynin ayaa sida ilo wareedo xogogaal ah oo ku dhawdhaw xabsiga dhexe ee Hargeysa oo ay jiraan imika ay Haatuf u xaqiijiyeen ayaa meel lagula xidhay xubno falal argagixiso ugu xidhan halkaasi, kuwaas oo godob wayn ta tirsanayey Wargeyska iyo guddoomiyihiisaba Mr Yuusuf Cabdi Gaboobe oo isagu hada ka har mar ay xukuumadii hore u ogalaatay saxaafadu inay su’aalo waydiiso Jaamac Kuutiye oo isagu u xidhan falal argagixiso ay si cad isku af-dhaafeen isla markaana ay gacanta iskula tagi gaadheen, kaas oo imika meel lagula xidhay masuuliyintan oo uu godobtaasi ka tirsanayey.

 

Sidoo kale arrintan ayaa keeni karta khatar wayn maadaama oo xubnaha argagixisada u xidhani ay yihiin kuwii waxba iskaga tirin waayey ciidanka ilaalada xabsiga dhexe ee Hargeysa oo tiraba dhawr jeer isku dayey inay ka baxsadaan, kuwaas oo isku daygii ugu danbeeyey sameeyey bishii hore isla markaana shanka mid ahi ay xabad kala dhex-tooseen jeelkaasi oo ay aakhirkii ku dileen askari ka tirsan ilaalada xabsiga dhexe ee caasimadda halka ay qaar kalena ku dhaawaceen.